Friday, August 15, 2025

Waxaan Codsaday in Amb. Madeira lagu daro Liiska la cunaqabteynayo (Qormo culus)

-

Ukunta Haddii Xoog Banaanka ah uu jabiyo waxaa dhinto Noloshii Gudaha Ukunta, Haddise Ukunta uu Jabiyo Xoog Gudaheeda ka yimid waxaa noolaado wixii gudaheeda ku jiray.

Somalia waxaa mar kasta Jabinayo Xoog Dibadda uga yimaada, Haddii arrintu ey ku ekaan leheyd Soomaalida oo kaliya waxaa la Gaari lahaa Xal, Jiijiiluhu ku badbaado. In kasta oo aan ka maqnaa Dalka Markii la eryayay Amb. Madeira, Hadana Qoraalkii Laba Cisho ka hor eryiddii Madeira aan ku qoray isla boggaan waxaan Codsaday in Caalamku uu ku daro Amb. Madeira Liiska la cunaqabteynayo, Horena dhowr jeer waan uga hadaly dhibaatada Reer Xalane qaarkood ey ku haayaan somaalida

Waxaan jiray in Xafiisyada Xalane qaar ey u dhaqmaan si aan Dan u aheyn Somalida, Waxaa ka jira Laaluush laga soo bilaabo Askariga AMISOM ee Iridda waardiyeeyo illaa Madaxda Xafiisyada qaar, Anshax xumo, ku xad gudub Xuquuqda Haweenka Somalida, iibin Mukhaadaraad, ku xad gudub Diinta iyo dhaqanka, Dil, faragalin Siyaasadeed, kala iibsi Hub iyo waxyaaba kale, Hore waan uga hadlay, laakin ma jirin Xiriir aan la lahaa Dowlada oo ii fududeeynayo in aan kala hadlo arrintaa, ama Xafiis Dowladeed oo aan Arragtideyda Gaarsiin karay oo iga maqalyo, waxaanse la wadaagi jiray Bulshada.

Sida la wada ogyahay Haddii dhinaca Sharciga laga fiiriyo, Hadda Dalka kama jiraan Baarlamaan iyo Madaxweyne, Labadaba waxaa dhamaaday muddo xileedkoodii Dastuuriga ahaa, Labadubana male Awood Sharci oo Go’aan ey ku qaadan karaan illaa dib loogu doorto, waxa jiro oo kaliya Xukuumad Xil gaarsiin oo iyada lafteeda Awoodeeda Sharci ey Xadidadan tahay, kana masuul ah hoowlaha Fulineed ee Amniga iyo Doorashada.

Haddii Dowladu u aragto Amb. Madeira in uu khatar ku yahay Amniga iyo Doorashada waxa ey xaq u leedahay in ey ka erido Dalka, Mana jiro Xafiis kale oo Dowladeed oo ka hor imaan karo Go’aankaa ilaa laga helayo Baarlamaan iyo Madaxweyne Sharci ah oo uu Dalku yeesho.

Somaliyeey, Ukunta aan ka ilaalino in Banaanka laga jabiyo oo wixii aan sugeeynay aan weyno. waan ogahay Qoraalkaan in ey dhibsan doonaan ama si kale ey u macneey doonaan Dadka qaar, waxaase la yiraa: “Luqadda ugu Adag ee aad ku hadasho waa luqadda la yiraa RUNTA”.

Waxa Qoray: Proff. Yahya Amir

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you