Thursday, July 17, 2025

“Waxaan u baroordiiqayaa saaxiibkey Max’ed Max’ud Sheekh oo Muqdisho lagu diley’ [Qormadii Mary Harper]

-

Haweeneyda Weriyaha caanka ah ee Tifaftiraha BBC qeybta Afrika Mary Harper ayaa qormo baroordiiq ah ka qortay Allaha u naxariistee ganacsade Maxamed Maxamud Sheekh Cali oo dhowaan lagu dilay Muqdisho. Haddaba hoos ka akhriso qormadeeda.

Muqdisho oo ah caasimadda dalka Soomaaliya waxaa lagu qeexay inay tahay magaalada ugu halista badan caalamka. Laakiin dadka qaar oo halkaas ku sugan waxay isku dayayaan in ay nolosha dib u soo celiyaan.

Tifaftiraha BBC ee Afrika Mary Harper oo si joogto ah u booqata Muqdisho ayaa baratay mid ka mid ah dadka ku nool magaalada – wiil si iskiis ah u abuurtay ganacsi oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Sheekh. Ka dibna waxay heshay xaqiiqda.

Markii ugu dambeysay ee aan arko Maxamed, wuxuu i siiyay ubax. Wuxuu soo xushay midka ugu weyn uguna midabbada badan ee ku dhex jiray dukaankiisa ubaxyada lagu iibiyo. Albaabka xiga waxaa ku taalla goob ay yaallaan mashiinno koronto ku shaqeeya oo dharka lagu dhaqo – taasoo uu isla isaga leeyahay.

In aan soo leexdo si aan u arko Maxamed waxay mar walba ahayd mid ka mid ah waxyaabaha aan jeclahay marki aan booqdo Muqdisho. Halka ay warbaahinta caalamka ka hadlaan gaajada, burcad badeedda iyo qaraxyada is miidaaminta ah, isugu wuxuu si deggan oo go’aan leh u watay noloshiisa, isagoo dalkiisa ugu soo laabtay in uu sameeyo adeeg ay dad fara badan u arkaan in uu yahay wax lagu caajisayo.

Wuxuu sidoo kale dhiirri geliyay dadka kale. wuxuu dhisay bulsho ka kooban dadka jecel in horumarka la sameeyo, wuxuuna noqday qof hammi leh oo ku dayasho mudan.

Ganacsiyo fara badan oo si geesinnimo leh loo aasaasay ayaa jiraa, laga billaabo ninka dhallinyarada ah ee mootada ku wareejiya cuntada bisil ilaa gabadha go’aansatay inay noqoto makaaniga baabuurta.

Booqashada Maxamed aan ugu tagi jiray Muqdisho ma ahayn mid waqti toos ah leh. Anigoo leh ballamaheyga kale ee magaalada, haddana waligey waqti uma xaddidin. Mararka qaar waxaan dusha ka salaami jiray anigoo taagan bannaanka hore ee albaabka birta ah ee meheraddiisa oo lagu magacaabo Somalia Premium Laundry oo ku taalla waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama.

Mar walba waxaan halkaas tagi jiray anigoo ay ila socdaan ilaalo xoog badan – ugu yaraan lix waarddiye oo ku jira hal gaari iyo kuwo kale oo ku jira baabuur kale.

Waxaa aad u fiican in aad noqotid qof aan la qiyaasi karin – dadku waxay dhahaan Taleefannada waa la dhageystaa waxaana meel kasta joogaa sirddoon.

Balse in la taxaddaro oo la heysto macluumaad ama ilaalo ma aha mid la isku halleyn karo.

Horraantii bishaan, Maxamed wuxuu xilli maalin cad ah gaarigiisa u soo kaxeystay meel amnigeeda aad loo sugo oo lagu magacaabo KM 5. Labo nin oo hubeysan ayaa ku soo baxay wayna toogteen. Wiilkaas oo saameyn weyn ku lahaa bulshada balse aan loo aqoonsaneyn ayaa markii dambe ku geeriyooday isbitaalka.

Ilaa hadda, kuwii dilay gacanta laguma soo dhigin. Hadda Maxamed uma suurta galeyso in uu rumeeyo riyooyinkii kale ee uu ii sheegay in uu lahaa – ee ahaa in uu furo goob gym ah, xarun ay carruurta ku ciyaaraan iyo in uu ubaxyada uu iibiyo oo idil ku abuuri doono Afgooye, oo aan ka fogeyn Muqdisho. Wuxuu ku riyoonayay in uu cagaar ka dhigo magaalada wuxuu horayba u keenay geedo ubaxyo ah oo uu damcsanaa in uu halkaas ku tallaalo.

Mary Harper iyo ganacsadihii la dilay Maxamed Maxamuud
Mary Harper iyo ganacsadihii la dilay Maxamed Maxamuud

Baraha bulshada ee Soomaaliya ayaa waxaa ruxay qoraallo ay soo dhigeen dadkii uu noloshooda saameynta wayn uu ku reebay. In badan ayaa qoraallo ku faafiyay hashtag ah #NabadgelyoMaheysanno.

Saddex maalmood ka dib geeridiisa, dibadbax dhif iyo naadir ah ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Dad dhallinyaro ah oo madaxa ku soo xirtay tabeebeyaal cad cad ayaa isugu soo baxay waddooyinka iyagoo ku dhawaaqaya hal ku dhigyo ay ka mid tahay “Jooji dilka dhallinyarada”. Waxa y is weydiinayeen sababta loo dilay dadka sida Maxamed oo kale ah, islamarkaasna aysan u jirin cid loo soo qabtay falkaas.

Isla maalintaas gudeheeda, qarax loo adeegsaday gaari ayaa lala beegsaday afaafka hore ee maqaaxi ku taalla magaalada, waxaana lagu dilay ugu yaraan saddex ruux.

Markii ugu horreysay waxaa arrinta ku dhacday Maxamed ii soo sheegay qof saaxiib ah oo isoo wacay iina sheegay in uu dhintay wiilkii ka soo tagay shaqo ammaan ah oo mushaar fiican oo uu ku heystay Dubai si uu dalkiisa ugu noqdo islamarkaasna u abuuro adeegga makiinadda dharka dhaqda oo aan laga helin Muqdisho muddo ka badan labaatan sanno.

Waxaan u maleynayay in arrintaan ay noqoneyso sheeko aad u weyn – oo ay u noqoneyso dadka sida Maxamed oo kale ah oo iyagoo dibadda ku noolaa u soo noqonaya si ay qarankooda dib ugu dhisaan.

Xitaa makiinadda dharka dhaqda ayaa dacwo ah. Mar kasta oo aan u duulo meel ka baxsan Muqdisho, siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa diyaaradda soo raaci jiray iyagoo soo qaaday suudad wasakheysan oo ay doonayaan in ay ku soo dhaqaan dalalka deriska ah.

Hadda ka hor mar shir lagu qabtay Hotelka ugu heer sarreeya dalka Itoobiya, waxaan aad ula yaabay markaan arkay siyaasiyiin sar sare oo Soomaali ah oo taagnaa goob iyagoo wada xiran suudad si wanaagsan loogu dhaqay makiinad.

Mohamed Mahamoud Sheikh
Maxamed Maxamuud Sheeikh

Maxamed wuxuu bartilmaameedsaday fursad ganacsi oo aad u fiican. Hooyadiis waxay su’aalo iska weydiineysaa oo ay ku jahwareersantahay qalalaasaha ka jira Soomaaliya. Waxay la yaabbantahay cidda wax dileyso iyo cidda la dilayo. Dadku waxay badanaa eedda dusha uga tuuraan Al-shabab oo muddo ka badan 10 sano falal amni darro ka geysaneysay Soomaaliya iyo meelo kaleba. Balse cidda wax dileysa kooxdaas kaliya ma aha.

Waxay noqon karaan siyaasiyiin ka xun waxa aad sameyneysid ama aad dhahdid, ganacsato cadow kugu ah, ama waxaa sababi kara muran hanti ama xitaa maseyr micno darro ah oo laga hinaaso horumarkaaga.

Dadka jooga Soomaaliya aad bay ugu sahlantahay in ay isticmaalaan hubkooda. Mar hadda ka hor anigoo ku xayiran ciriiriga baabuurta ayuu mid ka mid ah ilaaladeyda dejiyay muraayadda gaariga wuxuuna kor u riday rasaas nool isagoo doonayay kaliya inay gawaarida kale dhaqaaqaan.

Maxamed ma uusan ahayn xiddiga kaliya ah ee isagoo soo koraya noloshiisa la soo gaabiyay. Cabbaas Cabdullahi oo ku soo barbaaray xeryaha qaxootiga ayaa sannadkii la soo dhaafay xil wasiirnimo looga magacaabay xukuumadda.

Waxaa si kama’ ah toogasho ugu dilay ilaalada xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya. Dhallinyaro suxufiyiin ah ayaa loo dilaa si joogto ah.

Mary Harper iyo ganacsadihii la dilay Maxamed Maxamuud
Mary Harper iyo ganacsadihii la dilay Maxamed Maxamuud

Waxaa wax lala yaabo ah in iyadoo balaayiin lacag ah loo qarash gareynayo in lagu sugo amniga Soomaaliya, oo tobannaan kun oo ciidamo nabada ilaalin ah oo ka socda Afrika ay joogaan dalka, diyaaradaha drones-ka Mareykanka iyo ciidamadooda khaaska ahna ka shaqeeyaan in ay haddana aad u yartahay in la ilaaliyo dadka sida Maxamed oo kale ah.

Waxaan mar walba ka fikiraa wiilkaas – saaxiibtinnimadeenni, soo dhaweyntiisi fiicneyd iyo sidii cajiibka ahayd ee uu hamiga ugu hayay sameynta nolol wanaagsan.

Xeebta magaalada Muqdishu
Xeebta magaalada Muqdishu

Waxaan la yaabanahay waxay ku suganyihiin ganacsiyadiisii. Tolow miyey iska maranyihiin hadda, makiinaddii dharka dhaqaysay ma iska dansantahay, ubaxyadiise rajo ma leeyihiin?

Tolow ma jiraa qof waraabinaya geedihii ubaxyada ahaa ee uu tallaalay si uu uga iibiyo dadka ayna ugu sharraxdaan guryohooda iyo meheradohooda ganacsi ee ku yaalla magaalada Muqdisho?

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you