Thursday, July 31, 2025

“Waxaan xanuunka la qaybsanayaa ehelka Sir David oo ay tacsi u taallo iyo..”. Qormo C/raxman C/shakur

-

Xildhibaan Sir David Amess ayaa la sheegay in uu dilay Cali Xarbi oo British ah, laakiin asalkiisu Soomaali ka soo jeedo. Waxaa la sheegay Cali in uu ahaa dhakhtar, weliba takhasus samaynayey.

Xildhibaan David oo muddo 40 sano ah ka tirsanaa Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ku guda jiray (Constituency Surgery) oo ah maalmaha uu xildhibaanku fariisto xarun dadwayne ama dowladeed oo uu ku qaabilo dadka soo doortay ee qaba tabashooyin la xariira arrimaha socdaalka, qoysaska la is-haleeshiyo, sharciga soo daaha, deegaanka, caafimaadka, IWM.

Xildhibaannada Ingiriiska lama ilaaliyo, waardiye gaar ahna ma laha. Qof kasta ayaa imaan kara halka uu qabanayo Constituency surgery. Cali waa wiil ay waalidkiis in badan ay ku daddaaleen waxbarashadiisa ilaa uu noqday dhakhtar, waliba takhasus samaynaya, balse afkaartiisa xagga diinta ah ay xagjir noqotay.

Waaliddiinta Soomaaliyeed waxay aad ugu dadaalaan in ay ubadkooda ka ilaaliyaan in uu saaqido oo uu ku faraq xirto kooxaha abaabulan ee ku lugyeesha dilka, daroogada iyo dhaca. Si ay taas ugu suuragasho ayey dugsiga quraanka iyo masaajidka kula dadaalaan ubadkooda. Halkaas qudheeda waxaa fadhiya kuwa kale oo u duufsada dhinaca xagjirnimada iyo ku biirista kooxaha argagexisada.

Waalidku inta badan ubadkooda kalama sheekaystaan, kalama doodaan afkaartooda diineed, haddii ay ubaadkooda ku arkaan afkaar xagjir ah uma sheegaan Booliska qaabbilsan, taasina waxay keentaa in ay si sahal ah gacanta ugu galaan kooxaha xagjirka.

Dilka wiilkaas uu geystay wuxuu indhaha dadka British ka ah ku soo jeedinayaa guud ahaan Muslimka, gaar ahaan Soomaalida. Soomaali badan ayaa dhibbane u noqon doona. Waxaana kow ka ah waalidkiisa, walaalihiis iyo ehelkiisa.

Kooxaha cunsiriyiinta ah ayaa beegsan doona Soomaalida oo ah dad si sahlan loo bar garan karo xaga muuqa iyo labbiska, gaar ahaan dumarka. Dowladda Ingiriiska oo doonaysay in laabto boggii argagexiso la dirirka, una weeciso awooddii, dadaalkii iyo dhaqaalihii ku bixi jiray, mudnaan kale, ayaa arrinkani dood badan ku abuuri doonaa. Waxay kaloo dood ka dhalan doontaa amniga Xildhibaannada.

Waxaase intaas oo dhan ka sii daran in ay adkaaneyso is araggii sahlanaa iyo adeeggii tooska ahaa ee ka dhaxeeyey xildhibaanka iyo dadka soo doorta, taasoo dhaawici doonta hannaanka metelaadda iyo hal abuurkii dimoqoraadiyadda ee hormuudka u ahayd Britain.

Falka argagexiso ee uu wiilkaas gaystay wax badan ayey saamayn taban ku yeelanaysaa, laakiin waxaa hubaal ah in aysan jirin wax uu naftiisa, ehelkiisa, dadkiisa iyo diintiisa u terayo. Waxaan xanuunka la qaybsanayaa ehelka Sir David oo ay tacsi u taalo. Sidoo kale waalidka iyo qoyska Cali oo tiiraanyo iyo murug wayn ay maanta haysato.

W/Q: C/raxman C/shakuur Warsame
Siyaasi iyo Musharax Madaxweyne

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you