Thursday, June 8, 2023

Weriye Cabdalla Muumin oo ugu dabeyn gaaray Nairobi, Qormo Qiiro lehna kasoo diray

-

- Advertisement -

Xoghayaha ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa caawa gaaray Magaalada Nairobi oo qoyskiisu degan yahay kadib muddo 6 bilood ah oo dacwad ku socotay, xabsiga la dhigay.

Qoraal uu caawa soo diray ayuu ku faahfaahiyay dhacdadii ugu danbeysay ee shalay looga reebay diyaarad ku socotay magaalada Nairobi iyo qaabka cadaalad darrada ah ee loola dhaqmay, waxayna qormadiisa ku bilaabatay:


“Shalay waxaa markii saddexaad la iga hor istaagay inaan ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Agaasimaha Waaxda Socdaalka Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo aan telefoonka kula hadlay ayaa ii sheegay in amar xayiraad safar uu iga yaallo garoonka. Waxaan garoonka ku sugnaa 10:00 AM illaa 3:00PM iyo dheeraad.

Markii aan garoonka soo galay, waxaan dareemayey xiisad, waxaana dhacday in rag boolis ah iyo dharcadka NISA ay isku dayeen inay iga hor istaagaan gelista terminalka. Xogta aan markii danbe helnay ayaa sheegeysa in amarka xayiraadda safarkayga uu bixiyay agaasimaha NISA Mahad Salaad. 11kii Oktoobar 2022 iyo 18kii Oktoobar 2022 ayaa sidaan oo kale garoonka la iga celiyay.

- Advertisement -

Muddo afar toddobaad ku dhow ayaa xannuunsanayey, iska daa inaan daawo helo e waxaa xitaa la iga hor istaagay in dhakhtar iigu yimaado goobihii kala duwanaa ee afduubka la iigu hayey. In qof ehelkayga I soo booqdo iyo inaan xitaa qorraxda helo waxay ahayd lacag oo waa la iga iibinayey cadeynteedana waan hayaa. Waxaa waxkasta iiga xannuun badan cuqdada iyo murugada lagu beeray carruurtayda oo illaa hadda is weydiinaya sababta ay u arki waayeen aabahood muddo 6 bilood ah.

Intaas oo xadgudub ah waxay igu qabsadeen magaalada Muqdisho oo ah tii aan ku barbaaray, wax ku bartay, nolosheyda badankeedana ku soo qaatay, labadeyda waalidna ku aasan yihiin. Waxaan waayey caddaalad. Maxkamaddii aan xaqsoorka u doontay labo Saalax (Saalax Dheere iyo Saalax Dabaan) ayaa mindiyo mariid leh iigu afeystay. Waxaa la ii beegsaday qof ahaan iyo qoys ahaan, welina ma dhammaan. Sharcigii iyo dowladnimadii waxay noqdeen sida ay rabaan kooxda tirada yar ee mulkiilayaasha isku sheegtay. Xadgudub, takrifal iyo ciqaab nooc kasta ayaa la i marsiiyay Cabdiraxmaan Cadaala iyo Abshir Bukhaari dartood. Dulmiga ayaa ka awood batay caddaaladda.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan inta samaha jecel oo ka dhiidhisay gardarrada iyo dulmiga. Si gaar ah, waxaan bogaadinayaa mudanayaasha Baarlamaanka labadiisa aqal, bahdeyda saxaafadda, bahda xuquuqda aadanaha, diblomaasiyiinta caalamiga, qareennada, siyaasiyiinta madaxa-bannaan iyo shacabweynaha Soomaaliyeed (wiilal iyo gabdho) oo I garab istaagay.

Hadda Muqdisho waan ka safray, anigoo qandho kulul ay I heyso, anigoo caddaalad ku dhex waayey, anigoo Soomaalinnimadeydii shaki la geliyay, anigoo 166 maalin ku jiray afduub, lana xaqiray xuquuqdayda muwaadinnimo iyo anigoo meelkasta ku badbaadi waayey. Xaq ninkiisii daba joogo ma lumi doono insha Allaah!

Illaahay ayaan talada saartay, isaga ayaana igu FILAN!

W/Q: Cabdalla Ahmed Muumin
Xoghayaha ururka SJS

Weriye Cabdalla Muumin


- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Maxay tahay Arrinta laga leexday ee keentay inuu Cali Jeyte ka haro Dagaalkii Alshabaab..?

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay inuu hakaday dagaalkii Alshabaab ee ka socday Gobollada Dhexe iyo dhibaatooyinka soo...

Kaaliyihii Guddoomiyaha Alshabaab ee Gobolka Hiiraan oo iska dhiibay Magaalada Xudur

Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in kaaliyihii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Alshabaab uu isu dhiibay ciidamada dolwadda ee ka howlgala magaalada Xudur. Saciid...

Golaha Ammaanka oo Somaliland ugu baaqay inay degdeg ciidamadeeda ugala baxdo Laascaanood

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Soo lee Waqooyiga Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed...

Musaveni oo Wiilkiisa Ergey ahaan ugu soo diray Madaxweynaha Somaliya iyo Dhambaal culus…

Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa La-taliyihiisa Sare ee Hawlgalada Gaarka ah u soo diray Muqdisho, waxaana xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh...

Maxaa ka jira in Itoobiyaan badan lagu laayey Qaraxyadii Is-miidaaminta ee Doolow?

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo is-miidamain ah oo maanta ka dhacay degmada Doolow ee Gobolka Gedo. War kasoo baxay Alshabaab ayey ku...

Qaraxyo lagu Weeraray Saldhigga ciidamada Itoobiya ee magaalada Doolow iyo Faahfaahin

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax ka dhacay xerada ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Doolow ee Gobolka Gedo. Qarax Gaari ayaa...

Maleeshiyooyin Alshabaab ah oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Gobolka Sh/Hoose

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ilaa 20 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab lagu dilay 'hawlgal qorsheysnaa' oo ka dhacay deegaanka Beledul Amiin ee gobolka...

XOGAHA QARSOON

Madaxweyne Musaveni: “800 Alshabaab ah ayaa galay Saldhigga Buulomareer..” (Xog Cusub)

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Musaveni ayaa ka hadlay weerarkii Jimcihii 26-ka May ku qaadeen saldhigga ciidamada dalkiisa ee ka tirsan ATMIS, magaalada Buulomareer ee...

Maxay yihiin Ciidamada cusub (Special force) ee Imaaraadku u soo tababaray Somaliya..?

Waxaa dhowaan dalka Uganda tababar loogu soo xiray ciidamo cusub oo ka mida kumanaanka askari oo dowladda Imaaraadka Carabta aya taageereyso. Ciidamadan ayuu sheegay Wasiirka...

XOG: Dowladda Somalia oo Qandaraas u saxiixday Shirkad hubineysa Shixnadaha la keeno Dalka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkad Ajnabi ah oo qaabilsan hubinta Shixnadaha la keeno dalka, Qandaraaskaasi oo shalay lagu saxiixay magaalada Muqdisho....

Madaxda iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo lagu soo rogay DHAAR looga hortegayo Musuqmaasuqa

Golaha wasiirada xukuumadda Federaalka ayaa soo saaray Qaraar la sheegay in lagu maamulayo Maaliyadda dalka, loogana hortegayo Musuqmaasuqa ka dhex jira dowladda Federaalka. Qaraarkan oo...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!