Wednesday, July 9, 2025

Weriye Macalimuu Warbixin ka qoray Qarixii ku qabsaday Hotel Elite: Aniga waa nabad qabaa

-

Ma aha wax qoraal kooban uu ku sifeyn karo qof goobjoog u ahaa dhacda xanuun iyo uurkutaalo badan oo ay. ku dhinteen dad aan waxba galabsan.

Saacaddu markii ay aheyd abaarihii 4tii oo rubuc la’ kadib salaadii casar ayaa waxaa i soo wacay C/risak oo ah saaxiib aad iigu dhawaa oo inta badan galinka danbe iyo fiidkii aan wada joogno.

Wuxuu ii sheegay in Wasaaradda Warfaafinta oo Agaasime waaxeedyadeeda uu ka mid ahaa uu ka soo rawaxayo uuna doonayo inaan qaxwo u raadsanno Elite hotel . Wax yar kadib waxa uu iga soo maray aqalkeyga isaga oo wata gaarigiisa.

Waan is raacnay sheeko Iyo is wareysi kadib waxaan gaarnay Elite hotel ,waxaa jira kursi aan aniga isaga ibo asxaab kale aan gaar u fariisano kaas oo ka muuqada sawirka koowaad .C/risaaq waa nin aad u xiriiro badan intii yareyd ee aan fadhinay waxaa uu telefoon kula hadlay sadax ruux, Wariye Feysal Muse oo Turkiga jooga, Agaasime Cabdiraxmaan Al Cadaala iyo Senator Ayuub Ismail, waxuu ii dhiibay Senator Ayuub oo aan telefoonka siyaasadda kula kaftmay, markii aan telefoonka dhigay qaxwihii aan dalbannayna aan naloo keenin ayaa mar kaliya waxaan korkeena ka aragmay holac sidii hilaaca oo kale ah ,waxana xigay jug dhagahu ay na awdmeen, qiiq iso uuro madow, intaa kuma ay ekaana waxaa is qabsaday rasaas dhinac walba ah.

Abdirizak korsigii dhexyiilay dabeyshaa qaraxaa la tagtay ,kuraasteenii ayaa isku dhacday , waxaan xusuustaa inaan gacanta ka qabtay ayuu iska keey filgay ,wuxuu u cararay dhankii laamiga ee xabadda xoogga badan ka socotay ,in kastoo ay adkeyd in la kala garto halka rasaastu kaa xigto.

Nasiib darro saaxiibkeey C/risaq waxaa haleeshay rasaas kaga dhacday wadanaha iyo lugta, dibadda ayuu u baxay isaga oo dhaawac daran ah ,daqqiiqada kadibna wuu geeriyooday, Ilaahey naxariisto janno ha siiyo ,weysadii uu salaadda casar ku tukuday ayuu qabay. Aniga horey kama cararin ee waxaan husbaday sida ay wax u socdaan iyadoo wadnuhu sida durbaanku ii garaacayo.

Waxaan gacanta ku qabsaday labadii telefoon ee aan watay waxaanan goostay inaan ka boodo gidaarka dhanka xeebta oo noo dhawaa, laakiin rasaasta ayaa meel walba ku dhaceysay . Go’aan baan qaatay waxaan u booday dhanka badda funaanad. aan xirnaa oo cagaar aheyd ayaan iska bixiyay sababtoo ah midabada qaar sida casaanka iyo cagaarku dadka badan ee cararaya waa lagaa dhex toogan karaa.

Waxaan xeebta isku helnay odoyaal iyaguna baxsanaya oo uu ka mid ahaa Wasiirkii hore ee beeraha DKMG, Xildhibaan hore Caraale, ilaahna waa na badbaadiayay .Waxaan isku dayay inaan nolol iyo geeri helo saaxiibkeey, waxaase la ii sheegay in dhaawac daran uu ahaa oo la qaaday.

Waxaa la dhigay cisbitaalka Umma, carar ayaan ku tagay Ummu hospital, laakiin waxaa la ii sheegay inuu u geeriyooday rasaastii haleeshay ,waan aamini kari waayay ilaa aan meydka marxuumka indhaha saaro. Lugaha dhulka waa ku heyn waayay ,ilin ayaa wajigeyga buuxisay ,walaalkey Abdirizak oo daqiiqada ka hor aan kaftmeynay hadda waa meyd.

Abdirizak waxuu ahaa nin cibaado badan ,maalin kasta oo Isniin iyo Khamiis wuu soomi jiray, qadartiisa ayaa meesha ku ekeyd, dumaashi, hooyo qoyska dhamaan Ilaah samir iyo iimaan haka siiyo. Qof kasta wuu dhimanayaa, qadar baana loo dhintaa ,ilaahey intii dhimtay ha u naxariisto ,inta dhaawacanay Allaha Shaafiyo. Ma jiro wax dhaawac ah oo i gaaray haba yaraadee ,sawirka la wareejinayana waa mid hore.

W/Q: Maxamed Ibrahim Macalimuu

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you