Wiilal Soomaali walaallo ah oo lagu dilay Magaalada Stokcholm ee Sweden

0

Walaalo Soomaali ah ayaa xalay lagu toogasho lagu dilay dalka Sweden, kadib markii weerar ay ku qaadeen koox dabley ah oo bistoolado ku hubeysan wejiyadana soo qarsaday.

Sida uu sheegay Booliska wuxuu falku ka dhacay xaafadda Rinkeby ee magaalada Stockholm, iyadoo labada wiil ee walaalaha ah ay ku dhinteen markii isbitaalka loola cararay, waxaana sidoo kale rasaasta ku dhaawacmay ruux kale oo goobta ku sugnaa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka labada wiil ee Soomaalida ah, wararkii horeeyay ayaa lagu sheegay inay dilka geysteen saddex nin oo gaari ku baxsaday. Booliska magaalada ayaa wada baaritaan dheeraad ah.

Shilka Xaafadda Rinkeby  ka dhacay oo Soomaalida muddooyinkii dambe ku soo bateen, waxaa ka taagan murugo weyn, waxaana buux dhaafiyay ciidamo boolis ah.