Saturday, July 26, 2025

Wuxuu Qoraalku marag-fur u yahay in talada dalka ku koobnayd Fahad iyo Famaajo (Fal-celin)

-

Waxa Qoray: C/raxmaan C/shakuur: Shaqada sirdoonka laga rabo waxay ku xiran tahay aragtida xukun ee la doonayo.

Haddii xukun kalitalis ah laga hadlayo awoodda, hantida, tamarta iyo waqtiga waxaa la gelinayaa amniga kalitaliska. Sirdoonku wuxuu ka shaqaynayaa basaasidda, baacsiga iyo sumcad dilka mucaaradka, cabsi ku haynta kuwa daacada u ah rajiimka, shirqool iyo khaarijin, shaki kala gelinta bulshada, jahwareerinta iyo jihaynta ra’yiga dadwaynaha si loo jeclaysiiyo rajiimka, loogana raarido in la’aantii dalku dumayo.

Haddiise xukunku dimoqoraadi yahay, sirdoonku wuxuu qayb ka yahay ilaalinta iyo difaaca Amniga Qaranka oo ay ugu horrayso amniga muwaadinka, jiritaanka hay’adaha dawladda, dhaqaalaha dalka, amniga tamarta, cuntada, bay’ada, tiknoolajiyada, iwm.

Xukuumadda ayaa dejisa, fulisana qorshaha amniga qaranka. Baarlamaanka ayaa leh korjeegtaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha amniga. Sirdoonkuna wuxuu hoos yimaadaa Wasaaradda ku shaqa leh ee madaxweyne ama Raysalwasaare midkoodna ma hoos tago.

Qoraalka taliyihii hore ee nabadsugidda marna xukuumadda iyo Baarlamaan laguma soo hadal qaadin. Dawlad Goboleed warkeeda daa. Wuxuu sheegay in qorshaha Madaxweynaha lagu hagayey sirdoonka, in uu isagu rafiiq (wehel) u ahaa, halbeega guushana welwelka farxada Madaxweynaha ayuu ka dhigay.

Wuxuu kaloo imtixaan uu kaligiis qaaday natiijo 100% siiyey shaqadiisa oo xitaa gaabis, guuldaro ama tabar yari ma sheegin. Qoraalku wuxuu marag fur u yahay xantii ahayd in talada dalka ay labadooda ku koobnayd.

Waxaa marag ma doonta in shantii sano ee la soo dhafaay awooddii iyo dadaalkii ugu badnaa ee Hay’adda NISA lagu bixiyey dagaalka siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo ku duulka dawlad Goboleedyada (DG) ka aragtida duwan rajiimka Farmaajo, taasoo fursad wayn siisay in argagexisada Alshabaab (AS) ay canshuur iyo baad maalin cad Shacabka ka gurtaan.

Waxay canshuur ka qaadaan meheradaha ganacsiga, dekedda, garoonka diyaaradaha, suuqa bakaaraha, dhulka la kala iibsado, NGOs. Shacabkii waxay naf bideen in kuwii qarxinayey garsoor u doontaan. Qabiilladii ayey u sameeyeen, waxay ugu yeereen naqiib, kaasoo qabiilka wakiil uga ah Al shabaab. Maadaama ay si dadban Muqdisho u xukumaan, AS waxay qaraxyadii ku soo koobeen kuwo farriin ku kooban oo ah; weli waa jirnaa, qatarna waa ku nahay ciddi damacda in ay canshuurta ama baadda bixin weyso?

Maadaama uu Taliyihii hore caddeeyey in qorshaha NISA lagu hagayey uu Madaxweyne hore Farmaajo lahaa waxaa cad in uu isagu lahaa amarkii iyo qorshihii:

1- Itoobiya loogu dhiibay Qalbidhagax.

2- Weerarkii ay NISA ku qaaday xarunta Xisbiga Wadajir.

3- Weerarradii lagu qaaday Hoteelkii ay labada Madaxweyne iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaan deganaayeen.

4- Weerarkii Mukhtaar Rooble lagu soo afduubay

5- Shacabkii iyo madax kale oo iyagoo dibadbaxaya la weeraray.

6- Awooddii ciidan ee guddoomiyihii Baarlamaanka xilka looga tuuray, kii kalana lagu madiidiyey.

7- Wiilashii Soomaaliyeed ee lagu soo xero geliyey in Qatar loo qaadayo, ka dibna dagaalka Tigreega lagu guray

8- Dilkii Ikraan Tahliil iyo is hortaagii caddaalad u raadinteeda.

9- Isku daygii Raysalwasaare Rooble lagu afganbi rabay.

10- Isku daygii Madaxweynaha Jubbaland lagu soo qafaalan rabay, iyadoo kumaandoos dawlad kale la adeegsanayo.

Kalsooni darrida shacabka ay NISA ka qabaan waxay keentay in ay labada talis ee AS iyo NISA la kala garan waayo, halhayskii KALA MAAN oo ka tarjumaya guuxa jirana uu ahaa “Shaki malaha inay laba shabaab wada shaqeeyaane”

”Maxaad ku falaysaa Guddoomiye Degmo oo hadaf muuqda Alshabaab u ah, adigoo heli kara in aad ku shaqayso nabadsugid dharcad ah oo toos ugu xiran taliye cid walba ka sarreeya, haystana awood iyo hanti aan la xisaabinaynin.Falsafada waxaa ka mid ah solipsism oo ah waxa adiga maskaxdaada ku jira ayaa xaqiiqa ah, cid kale waxba kaama quseeyaan. Waxay la mid tahay in uu ruux ku doodo “

Sanadkaas ayaa ah kii Soomaaliya ugu fiicnaa maxaa yeelay asaga lee og sababta. Mar haddii wixii maskaxdaada ku jira oo keli ah sax yihiin waxaad ku dhacdaa in aad dadka kale caqligooda ku xadgudubto oo aan tiraahdo “Dal aan 30 sano ka hor tababari jirnay, soddonkii aan burbursanayn isagu dawlad ahaa, ayaa weli tababar noo soo doonanaya” Waxaad kaloo oran kartaa “Soomaaliya waxay leedahay sirdoonka ugu fiican Afrika, oo ay wiil iyo hooyadiis u wada shaqeeyaan, laakiin caasimada ugu amaanka xun ayaa xarun u ah”

Waxaad kaloo dhihi kartaa “ Soomaaliya waxay lahayd Madaxweyne wadani ah, ciidanka Afrika ugu xooga badan, iyo sirdoonka ugu khatarsan aduunka, haddana dalkii burburo way ka celin waayeen”. Waxay la mid tahay adoo yiri “ ardayga ugu fiican waxbarashada Iskuulka ayaan ahay, laakiin Imtixaankii waan ku dhacay, sababtoo ah macalimiinta ayaa i neceb nooh” Soomaaliyana shirqool shisheeye ahaa dumiyey.

Koleey qoraalku kama marna dacaayad olole ee Farmaajo iyo ha la i xusuusto. Mar haddii adigoo dadka loogu hadalhaynta badan yahay ah, lehna saamayn wayn, mar qura burjigaagu jabo, aadna wayso cid warkaada haysa, waxaa kugu dhacaya cudur la yiraahdo “Is waayid”. Waxaadna ku qasban tahay in aad isi soo muujiso oo aad hawshadii hore ku laabato.

Halkan Ka Akhriso Qoraalkan wuxuu fal-celin u yahay faalladii uu qoray Fahad Yaasiin: Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa (Qormadii Fahad Yaasiin- Faallo mise Olole Doorasho-)

Waxa Qoray: C/raxmaan C/shakuur
Musharax iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you