Friday, August 8, 2025

XAMAR JID MALEH, JIIFNA MALEH [Qormo dhab-ka-hadal ah]

-

Muqdisho waxey u xiran tahay Hoggamiyeyaal xisaabsan, Hantilayaal lama taabtaan ah, Caddaan aan cidna u nixin, Carab kuleh cuntaan ku siinaa, Afrikaan amaan sheeganaya iyo igaar kale.

Dowladdii waxey hadda leedahay xaafaddo shacab degan yihiin ayaan rabnaa ee halaga guuro si aan iyagana u xirano, oo xagee lagu noolaan ama la mari..?, Ma ogi.

Xafiis kasta oo Dowladeed aaga u dhow waa xiran yahay, bal qiyaas imisa xafiis Dowladeed ayaa Xamar ku taala.?

27-ka wasiir iyo ku xigeenadooda inta xaafado degan waa xirteen waddooyinkii u dhowaa.

17-ka gudoomiye dagmo ee gobalka Benaadir waa xirteen wadooyinkii iyo xaafidihii u dhowaa goobta ay dagan yihiin.

25-ka hotel ee magaaladda ugu waa weyn waa xirteen wadooyinkiii iyo xaafidihii u dhowaa.

15-ka fariisin ee ay ciidanka Dowladdu magaaladda ku lee yihiin waa la xiray xaafidihii iyo wadooyinkii u dhowaa.

Ciidamadda shisheeyuhu ugu yaraan 10 goobood ayey xirteen xaafidihii iyo wadooyinkii u dhowaa.

Xalane waxey noqotay lama galaay.

Xildhibaanadda qaarbaa xaafaddo xirtay.

Xeebtii Liido iyo Jaziira ganacsataa xiratay.

Garoonka diyaaraha iyo madaxtooyadda xaafadihii ku xeendaabnaa waa xayirmeen.

Safaaradaha shisheeye dhul suuq noqon karay ayaa mid walba loo suntay kadibna silig ayey ku ooteen.

Siyaasiyiin saaxadda ka baxay xitaa dhankooda xaafaddo ayey xayireen.

Waxaan ku noolnahay magaalo sidaas loo kala xirtay, goobtaada shaqadda iyo gurigaada saacad ayaa laga yaaba inaad u socoto xitaa hadii ay 10 daqiiqo isku jiraan sababtuna waa suudleyda aan kor ku xusay.

Isla suudleydaas ayaa hadda raadineysa iney dad shacab ah barakiciyaan si ay u xiraan jidad iyo xaafaddo horleh oo magaaladda ka mid ah xili ay dad badani sugayeen in goobaha xayiran xal loo helo.

Fadlan caasimadda cuuryaaminta ka dhaafa.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
[email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you