Sunday, August 3, 2025

Xamar Weyne inuu xiran yahay Xasan Shiikh ma loo sheegay?

-

Suuqa Xamarweyne waxa uu ka mid yahay suuqyada ugu caansan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxa uu ku yaallaa Muqdishadii qadiimiga aheyd sidaa awgeed waa dhulkii faras magaalaha ahaa ee qarniyaal aad u badan soo jiray.

Xamarweyne dhismooyinka muhiimka ee ku yaal midba waxbaa lagu xusuustaa ka hor gumeysigii iyo kadibba. Suuqa Xamar weyne burburkii ka hor Soomaali kaliya kuma ganacsan jirin ee waxa ka shaqeysan jiray ajnabi kala duwan sida Hindi ,Carab , Talyaani iyo shisheeye kale.

xamarweyneSuuqa Xamar weyne hadda waxa lagu wareejiyay biro waaweyn oo aan loo ogoleyn gawaarida in ay ka gudbaan oo ah baro koontrool oo la dhigay,ma ahan dhan kaliya ee waa dhinacyada oo idil marka laga reebo dhawr waddo.

Aniga oo aan muddo tagin Xamar Weyne ayaan habeen hore tagay meel walba oo suuqa iyo xaafadda laga galo bir baa taal ,markaad u dhawaato askari ilaalo ah ayaa kugu soo ifinaya toosh, hadii aad ku sii socoto dhankiisa dhib weyn in uu kaa soo gaari karo ayaa dhici karta,waxa ay dantu ugu kaliftay in halkii aan rabay aan u lugeeyo oo aan gaarigii iska dhigo. Suuqa dhexdiisa xitaa bir dheer baa wadada ku xiran halkii la dhihi jiray Cabadalla Shaddaya. Ganacsatadii qaarkood ayaan wareystay waxa mid ka mid ah uu la soo booday Xamar Weyne saan buu ku xiran yahay!

Xaalku waxa uu sii adkaaday markii xarunta gobolka Banaadir loo soo celiyay halkii la dhihi jiray Officio Governo oo ugu yaaraan afar wado goostay, saldhiga bartamaha wadd ayaa u xiran oo bir ay u taal , Maxkamadda sare labo dhan ayay iska xirtay, laga soo bilaabo round about-kii ka horjeeday Ospedale di Martini ilaa iyo halkii laga gali jiray badda Geel laq.Bankiga dhexe waddo ayaa u go’an, niman ganacsato ah oo Mall weyn ka dhistay suuqa Xamar Weyne dhexdiisa waddadii ayay biro ku xirteen.

Degmooyinka Xamar weyne ugu dhow sida Shangaani iyo C/casiis waddooyinkii loo mari jiray waa la xiray ,shacabkuna waxa ay ku qasban yihiin in ay ka soo wareegtaan meel fog ama ay doon soo raacaan Xamar Weyne.

Dhamaan sababaha loo xiray waddooyinkaas waxaa laguugu sheegayaa in ay yihiin ammaan awgiis . In xudduntii Muqdisho la kala xirxiro si ka duwan oo amniga loo sugi karaa miyaanay jirin?

Waxaa si weyn hoos ugu dhacay ganacsigii sababtoo waddooyinka yare e furan waxaa ay noqonayaan Jaam kuwo buux dhaafay marka suuqo furmo,waxana ay kugu qaadaneysaa saacado badan inaad suuqa gudaha u gasho oo aad ka soo dukaameysato.

Madaxda sare ee dowladda waxaa haboonaan laheyd in ay shacabka dareenkooda warsadaan oo ay cabashooyinka ay qabaan kala sheekeystaan , wixii culeyska ee laga fududeyn karana la iska kaashto ,laakiin waxaa dhici karta inaan masuuliyiinta loo sheegin culeyska iyo cabashada weyn ee taagan amaba siyaasad ay ku mashquulsan yihiin.

weriye-macalimuu-oo-farriin-muhiim-ah-u-diray-saxafiyiintaSuuqa Xamar weyne waxaa uu safka hore ugu jiraa suuqyada sida tooska ah looga qaado canshuuraha waana suuqa kaliya oo aad ku arkeyso minishiibiyo aan hubeysneyn hadana ammaan ku shaqeysanaya ,sidaa awgeed maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe waxaa la gudboon in ay dib u eegaan xaalka Xamarweyne .

W/Q: Maxamed Ibraahim Macalimuu

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you