Monday, February 2, 2026

Xamar xilal badanaa [W/Q: Yusuf Garaad]

-

Dhegeheyga waxaan marar badan ku maqlay shakhsiyaad ayaga oo aan ahayn horena u noqon loogu yeerayo Madaxweyne. Mararka qaar anigaaba ka mid ah dadka loogu yeero inkasta oo aanan raalli ka ahayn xil aanan qaban in la iigu yeero.

Waxaan maqlay Wasiir, Xildhibaan oo hadda noqotay Xildhibaane ayna ku jiraan dadka tirada badan ee hadda damacsan in ay noqdaan Xildhibaan. Waxaa dhegeyga ku soo dhaca Generale ay ku jiraan saraakiil aan General ahayn. Taliye, Agaasime, Mas’uul sare, Shiikh, Doctor, Professor, Injineer iwm oo loogu yeerayo qof aan derajada lagu sheegayo aan hayn ama aan shahaaddadeeda haysan iyadu waa joogto.

Xilalka iyo derejooyinku intaa kuma koobna. Xataa waalidka iyo xididka ayay u gudbeen.

Markii aan intaan ka sii yaraa waxaan adeegsan jirnay adeer ama eeddo si aan xushmad ugu muujinno qof naga da’ weyn xataa haddii aynaan is aqoon. Taa lafteeda wax badan ayaa iska beddelay.

Hadda waxaa laguugu yeerayaa abti, ina adeer, seeddi, dumaashi iyo qaar kale. Garan waayay wax Allah wax aan ku macneeyso maaddaama aadan aqoon qofka sidaa kuugu yeeraya amaba og in aydnaan intaa midna isu ahayn.

Miyaan Muqdisho la joogi karin adiga oo aan ku gabban shaar aadan lahayn? Mararka qaar waa laguu gelinaya shaarkaas iyada oo aan lagaala tashan. Miyaan la ahaan karin qofka aad tahay oo aan waxba lagu cayilin?

Sow ma habboona in muwaaddin kasta aan xushamad iyo karaama ugu heyno in uu yahay qofka uu yahay? In uu yahay Aadane yahayna Soomaali? Miyaanay ahayn in aan ogaanno in qof kastaa uu mudan yahay in la karaameeyo, haddii aan isagu karaamada iska qaadin?  Si aan ka dibna ugu qiimeyno fikirkiisa iyo falkiisa?

Qormadeyda ulama jeedo in xushmadda Dowladeed iyo midda ehel, xidid ama aqooneed laga tago. Taas cagsigeed ayaan is leeyahay haddii qof kasta macallin loogu yeero waxaa macnaha laga qaadayaa xushmadda Macallinka iyo Macallimadda. Sidoo kale derejo kasta ayaa qiimaheeda la barxayaa haddii qof aan ahayn loogu yeero.

Waxaa kale oo meesha ka baxaya qiridda dadaalka iyo dhabar adeyga uu sameeyay qofka derejo aqooneed sita, oo tusaale ku dayasho mudan u noqon lahaa ardeyda.

Posted by Yusuf Garaad

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you