Monday, January 12, 2026

Xasaradda heshiiska Barbera iyo dareenka ka dhashay [Qormo uu qoray C/kariin Guuleed]

-

Waxaa wax laga xumaado ah in xasaradda ka dhalatay heshiiskii Barbera ay damqisay dhaawacyadii iyo boogahii uurkutaalada lahaa ee Somaliland kala dhaxeeyay Soomaali inteeda kale, ayadoo ay jirtay in sanooyinkii la soo dhaafay ay maamuladii ka horeeyay kuwa haatan jira ee dowladda faderaalka iyo Somalilandba dadaal dheer ay u galeen sidii boogahaal iyo dhaawacyadaas loo dhayi lahaa loona buskeyn lahaa, meeshana looga saari lahaa wax kasta oo dadka sii kala fogeyn kara.

Haddaba waxaa mas,uuliinta dowladda faderaalka iyo dowladda Somaliladba la gudboon inay xil weyn iska saaraan dajinta xaaladda kacsan ee haatan jirta iyo inay arinka ku soo celiyaan sidii dabiiciga aheyd, ayadoo si deg deg ahna loogu hawlgalayo soo celinta wadahaladii tooska ahaa ee kuwii aan tooska aheynba ee u dhaxeyn jiray labada dhinac, arimaha heshiiska Barberana lagu xaliyo wadahal iyo isfaham ku dhisan salkana ku haya arimaha soo socda:

1. Lagama maarmaanimada in deegaanada reer Somaliland ay helaan xaqa ay u leeyihiin horumarinta iyo maalgashiga kheyraadkooda.

2. Dhowridda dareenka dadka iyo ka fogaashaha waxii dadka walaalaha ah sii kala fogeyn kara, ayadoo had iyo jeer mas,uuliinta labada dhinac looga baahan yahay inay hadaladooda si taxadar iyo ka fiirsi leh u yiraahdaan.
Mas,uuliinta dowladda fadaraal ah waxaa si gaar ah looga doonayaa inay mar kasta hadaladooda iyo ficiladooda ku aadan Somaliland ay noqdaan kuwo beeraya kalsooni, isku soo dhawaasho iyo dhayidda dhaawacyadii jiray.

3. Tixgalinta midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka, taas oo ku imaaneysa wadahal, isqancin loo marayo wadahal iyo wadaxaajood ay ku dheehan tahay isku tanaasul iyo wax isku hanbeyn.

Gabagabadii madaxweyne Muuse Biixi oo ah oday Soomaaliyeed waxaan si gaar ah ugu soo jeedin lahaa in dowr uu ka qaato isku soo dhaweynta labada dhinac ee walaalaha ah ee aan hubo siyaasadda siday rabtaba ha noqotee inay jiraan waxyaabo badan oo aysan ku kala tagi karin oo ay wadaagaan.

W/Q: C/kariin Xuseen Guuleed

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you