Friday, July 18, 2025

Xasuuqii Zoobe su’aashii Gurmadka ka dib nooga dhig!! [Maqaal jawaab u ah xildhibaan Mahad Salaad]

-

Waxan jeclaystay inaan qodob-qodob u dul istaago dhaliisha Xil. Mahad Salaad ee aan waqtigeeda la  joogin qaarkeedna aan ka turjumaynin xaqiiqda jirta laguna marin habaabinayo gurmadka ay shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka aan saxiibka nahay la garab istaagayaan dhibanayaashii ay ku habsatay masiibadii ka dhacday Sabtidii hore Isgoyska Soobe.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “Qadiyad walba xiligeeda laga hadlaa” qofka waxaa fiican inuu misaan saaro marxaladaha lagu jiro ka  hor inta uusan wax amaanin ama uusan dhaliilin, waxaa jirta xili laguu dhago raaricinayo, lagugu amaani, ama lagaa abaal marin hadii aad soo jeediso dhaliil, balse nasiib daro dhaliisha uu qalinka u qaatay Xildhibaan Mahad Salaad oo cinwaankeedu “XASUUQII ZOOPE SU’AALO BADAN AYAA KASOO LAABTAY!” dhamaan dadkii fal-celinta ka bixiyey 90% waxay naqdiyeen qoraalkiisa kuna tilmaameen midaan xiligaan munaasab ahayn.

Qodobada dhaliisha ah  ee Mahad Salaad ayaan mid mid u dul istaagayaa:

  1. Gurmadka Deg Dega ah: Waxaan ku sugnaa meel aan ka fogayn goobta qaraxu ka dhacay, gawaarida dam-damiska ah iyo Ambalasyadu waxay goobta soo gaareen wax ka yar 30 daqiiqo, waxayna bilaabeen in ay daad gureeyaan dadka dhaawaca ah dabkana damiyaan,
  2. Ka hadlka dhacdada: Marka dowladu arinta ka hadlayso waxaa lagama maarmaan ah in ay hayso tirakoob sax ah, si looga fogaado is bar baryaacii horay u jiri jiray iyo kala hadlakii xiliyada qaraxyadu dhacaan, waxaa hadli jiray dowladihii hore. Afhayeenka Wasaarada Amniga, Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta, Afhayeenka Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Booliska, waxayna sheegi jireen hadlo badan oo isburinaya, taas oo shacabka niyad jab u keeni jirtay, balse dowladu waxay go’aansatay in macluumadka la aruuriyo kadibna masuul loo xilsaaray uu ka hadlo. Arinta kale dhibka meesha ka dhacay baaxadisa ayaa sabab u ah in wax badan la ogaado.
  3. Tacsida madaxweynaha: Tacsi boog ma daaweyso kaliya waxaa ay muujisaa sida looga xun yahay waxa dhacay, madaxda qaranku waxaa dadaalkooda isugu geeyeen sidii loo ilaalin lahaa amniga, loogu gurman lahaa dadka dhibaataysan, wadamada saxiibka aa nahayna loo weydiisan lahaa gar gaar bani’adanimo. Taas ayaa ka muhiimsan tacsi lagu hormaro.
  4. Sheegida 30 oo dhimasho ah: Sida aan ku naqaano masiibooyinka noocaan ah waxaa markasta dhacda in khasaaruhu uu mar marka kale ka soo bato, kuna bilowdo tiro yar ilaa maalmo kadib la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee ka dhacay meesha.
  5. Gaariga wadadu soomaray: Inta Muqdisho joogta waa og yihiin wadooyinka ay isticmaalaan gawaarida waaweyn iyo kuwa aya ka xiran tahay. Laga soo bilaabo Isgoyska Taleex ilaa Soobe iyo Banaadir ilaa wadada Xamar ka baxda waxaa ay u furnayd gawaarida waaweyn oo habeen iyo maalinba marta. Mana jirin sabab loola yaabo ama loo celiyo gaari weyn oo maraya wadadaas, waa sax in la is weydiiyo sababta loo soo baari waayey ee loo soo daayey, taasna waa isla xisaabtan hada socoda waana sugayna natiijada ka soo baxda baaritaanka.
  6. Gurmadka dadka: Taarikhda intii Xamar qarax ka dhacayey waa qaraxii aysan dowladu u kala harin madaxdeeda iyo maamulka gobolka Banaadir, heer waxaa madaxdu gaartay in galab iyo subaxba ay booqdaan isbitaalada, goobaha gurmadku ka socodo, qaabilitaanka wufuuda keenaysa gurmadka, daabulida dhaawacyada iyo iyadoo waliba hab maamus ahaan ay noo muuqatay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku soo dhaweynaya garoonka saraakiil caafimaad iyo wasiiro, isagoo u muujinaya ilaa xadka ay ku farax san yihiin gurmadka ay la soo gaareen, waxaa marna doorkiisa la inkiri karin Godoomiye Taibit oo habeen iyo maalin u taagnaa gurmadka iyo caawinta dadka dhibataaysan isagoo waliba shaqada gacmaha kula jiray oo qofna aan ku aaminaynin.

Xildhibaan Mahad waxaan xasuusinayaa inuu ka mid ahaa madaxdii ka qayb galaysay xafladii 1 Luuliyo 2016, ee ka socotay gobolka Banaadir, halkaas oo heeso iyo ciyaaro kala duwan ka socodeen, halka qarax ka dhacay wax yar ka hor xaflada Hotel Naaso Hablood 1 ee ku yaala No. 4 ay ku naf waayeen 20 qof, intaa kabadan ku dhaawcmeen. Waxaa dad badan habeenkaas la murugaysnaayeen Wasiir Burci Xamsa oo ahaa Diwaankii Soomaaliya, qolkiisu ku dumaay aan Maydiikisa xataa laga soo saarin ilaa subixii danbe.

Xildhibaane habeenkii xaalku ma kula saxsanaa, mase ka hadashay in aysan munaasab ahayn xafladayn iyadoo dhiiga shacbku quban yahay laamiga no, 4 gala, Wasiir dowlada ka tirsana  XFS wali meydkiisa aan laga soo bixin qolkiis oo  ku dumay.

Mudane Xildhibaane ma xisaabin karno wax dhacay xiligaad masuuliyad weyn ka soo qabtay dowladii hore, galaangal badana aad u lahayd, walina amaan mooyee dhaliil kaamanaan maqal, fadlan isku day inaad qoraalada u badasho dhiiri galin dhanka gurmadka ah iyo wacyi galin bulsho, xiligii la is dhaliili lahaa lama joogo, fagaaryaal badan oo siyaasada lagu falanqeeyo ayaan naga horeeya ee fadlan qaybtaada ka qaado gubaabinta shacabka Soomaaliyeed si loo helo gurmad deg deg ah, mucaarad iyo mu’ayidna aan u wada jeesano samatabixinta walalheena dhibaataysa.

By-Diraac Salaad Fagaase

Dabaaldeg lagu qabtay Muqdisho iyadoo Meydad iyo dad nool ku hoos jiraan Hotelka Naasa-hablood

Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ku dhintay weerarkii Naasa-hablood

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you