Monday, June 23, 2025

Xayaakallah! Xumaanta Jooji Xoosh Jibriil [Moalimuu oo Farriin u diray Wasiir Xoosh]

-

- Advertisement -

Waa ka xumahay in uu waqti iga galo inaan ka jawaabo dacaayad raqiis ah oo uu baraha bulshada la dhex wareegayo Wasiir jahawareersan Abdi Xoosh Jibriil oo inta uu shaqadii loo igmaday dayacay shaqo ka dhigtay Wariyayaasha dhexdeeda waqti baddanna ku bixiya, sidan oo kale Soomaali ayuunbaa lagu arkaa.

Somalia’s forgotten institutions (By Mohamed Moalimuu)
Mohamed Ibrahim Moalimuu

Ka waran hadii aan magaalada Muqdisho dhexdeeda aan ka furto xafiis Wasaaradda Dasuurka iyo Arimaha Federaalka aniga oo aan aheyn Wasiirkii sharciga ahaa balse kaliya damac adduun iyo doqonnimo ay igu riixday oo aan dabadeed la soo baxo qodobo dastuurka ku yaal oo aan arinkaaba quseyn oo aan iraahdo qodobadaas ayaa ii fasaxaya, tallow dowladda maxey oran laheyd ama fali laheyd,hadii aan aniga oo Macalimuu ah sidaa sameeyo ?

Xaqiiqdii ma jiro qodob ku yaal dastuurka oo fasaxaya in qofku uu sheegto darajo uusan laheyn taa badalkeeda sharciga wadankeena u yaal waa danbi .

Maxaa dhacay?

- Advertisement -

03 May Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa ay xuska Maalinta Saxaafadda Caalamka ku qabteen magaalo madaxyda maamul goboleedyada taas oo ay si ballaaran uga qeyb galeen suxufiyiinta ,waxa Muqdisho xafladii lagu qabtay ka qeyb galay wasiiro iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo martisharaf kale ,laakiin maalintaas ayaa nin la yiraahdo Cumar Faaruuq uu hotel Diblomaatik ee magaalada Muqdisho si qarsoodi ah waqti kooban oo isugu yeeray toboneeyo qof oo ay ku jiraan gabdhaha shaqaalaha nadaafadda ee hoteelka isaga oo sheegtay in uu isaguna uu xus ku qabtay Muqdisho.

Arintaa markii ay dhacday Ururka NUSOJ waxa ay warqad ashtaka ah geeyeen xeer ilaalinta Qaranka oo hadda uun u yeertay Cumar Faaruuq si loo weydiiya sheegashada darajo been oo uusan laheyn . Xaq baanu leenahay in aan sharciga waddanka u yaal u marno cid kasta oo magaceena dadka ku aflagaadeyneysa ama sheeganeyso . Ma jirin Wasiir iyo Wasaarad dacweysay toona, waana laga xaqiijin karaa Xeer Ilaalinta Qaranka .

Balse waxa wariyayaasha Soomaaliyeed ay la yaaban yihiin Wasiir dowladeed oo inta badan waqtigiisa ku lumiya arimo u dhaxeeya wariyayaasha Soomaaliyeed ,waa yaabe maxaa ka quseeya wixii dhexdooda ah ,tiiyoo ay dheer tahay in uu yahay Wasiir dowladeenna ku jira oo xumaantiisa ay innagu soo noqoneyso “ Garan weysaye waa laguu garan”.

Xumaan badan ayaan runtii u heynaa Xoosh Jibriil oo marqaatiyo cad cad leh laakiin annagu waxa aan nahay dad muslim ah oo ku jira xilli Ramadaan ,waxaa jira wax badan oo inna xakameynaya balse laga yaabo isagu in uu u bareerayo oo aanay ka joojineyn xumaan falka joogtada ah ee uu ku caan baxay.

Dalka sharci baa ka jira ,waxa uu leeyahay baarlamaan dadku soo doortay .Waxaa shaqeyneysa Maxkamaddii Sare ee dalka oo caddeysay hogaanka saxda ah ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed taas oo ku timid rabitaanka inta badan wariyayaasha Soomaaliyeed ee dalka ka howlgala .

Soo Jeedin

- Advertisement -

Waxa aan ka codsaneynaa Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya in Wasiirkiisa uu ka reebo faragalinta qaawan ee uu ku dhex hayo wariyayaasha Soomaaliyeed ,loona wada hogaansamo sharciga waddanka u yaal iyo go’aanka hey’adda sharci ee wadanka u sareysa (Maxkmadda Sare ) .Hadii Xoosh uu wariyanimo caashaqay waa soo dhaweyneynaa shirkii hadda ka hor loo waday oo kalana waan geyneynaa basle hadii uu sii wado faragalintiisa wariyayaasha Soomaaliyeed dhexdooda ,wariyayaashu waxa ay sameyn doonaan waxii la gudboon ee ay talo wadajir ah ku gaaraan sida dibad baxyo nabadeed IWM.

Gebogebo

Hogaanka Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee la doortay waxa ay rumeysan yihiin in ay ku yimaadeen doorasho Dimuquraadi ah oo dadka Soomaaliyeed intooda badan ay ka warqabaan sidii ay u dhacday ayna leeyihiin waqti kooban oo mucayin ah oo shaqadaasi loo igmaday ,sidaa awgeed rajada aan qabno ee ah inaan ka qaadno saxaafadda ka difaacno qowleysato maxalli ah ,kuwa caalami ah iyo shaqsiyaad masuqmaasuq ah oo dowladda ku jira oo is baheystay kama suuli doono hamiga aan leenahay . Waa howl u baahan in ay dad u istaagaan ,sababtoo ah waxaa jira shabakad isku xiraan oo aan oran karno waa media gangs oo rabta in ay ku adeegtaan magaca saxaafadda Soomaaliyeed.

Taariikhdu wax bay qortaa.

By Maxamed Ibraahim Macalimuu

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad...

Axmed Madoobe oo gaaray Garowe iyo Qorshaha cusub ee isaga iyo Siciid Deni ugu midoobayaan Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jubaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  saddex sano kadib maanta gaaray magaalad Garoowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay...

Duqeyntii labaad oo lagu qaaday Aadan-Yabaal iyo Kaydkii hubka Al-Shabaab oo la gubay

Duqeyntii labaad muddo 48 saacadood ah ayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Beesha caalamka ku qaadeen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeynta...

Mareykanka oo Duqeyn culus ku qaaday Xarumaha Nukliyeerka IRAN, kuna biiray dagaalka Israel

Mareykanka ayaa toos ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kadib markii ay xalay dilli danbe Diyaaradaha dagaalka ee  xambaara bambooyinka tankooda weyn...

Ciidamada Dowladda iyo AUSSOM oo AS dib uga qabsaday degaanka Sabiid iyo Caanoole ee Sh/Hoose

Ciidamad Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamadda AUSSOM ee Uganda ayaa maanta la dib ula degaanada abiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose oo hore...

Sanbaloolshe oo dib ugu soo laabtay Xildhibaannada Golaha Shacabka (Maxaa ka dhacay Jowhar?)

Agaasimihii xilka laga qaaday ee hay’adda NISA Cabdullahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa mar kale maanta dib u soo ceshaday helay kursigiisi xildhibaannimo, kadib doorasho si...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you