Sunday, March 26, 2023

Xeeladaha Muddo kororsiga ee Muuse Biixi kala mid yahay Maxamed Farmaajo (Qormo)

-

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu eedeeyay inuu doonayo muddo kororsi uu xafiiska kusii joogo kadib Novembar 2022 o ay ku egtahay middo xileedkiisii 5-ta sano ahaa.

Waxaa Muuse Biixi si weyn loogu amaanay Doorashadii Golayaasha Wakiilada iyo Degaanka ee Somailand oo dhacday Jun 2021, laakiin guuldarradii xisbigiisa Kulmiye kasoo gaartay ayaa u muuqata inuu qaatay dariiq la mida kii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isku dayey inu muddo kororsi laba sano sameysto, kadibna qalalaase ka dhaliyey Muqdisho ilaa markii danbe looga adkaaday doorashadii 15 May 2022.

Waxaa marar badan natiijo la’aan ku dhammaaday wadahadallo u dhaxeeyay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland, iyadoo khilaaf weyni ka taagan yahay Doorashada madaxtinimada iyo furista Xibsiyada ee is dhex galay.

Madaxda Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada oo arrinta dhex galay ayaa gacanta ka tahay markii Muuse Biixi uu diiday inuu qaato go’aanka ay gaaraan, waxayna arrintii isu bedeshay loolan iyo qalalaase siyaasadeed oo halis ku haya maamulka iyo nabaddii Somaliland.

- Advertisement -

Sida Farmaajo uu qabashada ‘Doorasho Qof iyo Cod’ ah ugu adeegsaday inuu xilka kusii joogo wuxuu Muuse Biixi la yimid Qorshaha ‘Furista Xisbiyadda’ taasoo uu kusoo beegay dhammaanshaha xilligsiisa.

Arrinta furista xisbiyada oo si weyn Somaliland looga raadinaye iyo xuquuq ka maqneyd siyaasiyiinta degaankaasi 10 sano, ayaa hadda noqotay mid Muuse Biixi u adeegsado inuu xilka kusii jeedo, wxaaana bilowday diiwaangein ururro cusub xilli doorashadii Madaxweynaha ay harsan tahay wax ka yar 3 bilood, tan xisbiyada sharciga ahna 4 bilood.

Muuse Biixi oo mucaaradka kasoo horjeeda ay fahamsan yihiin inuu arrinta ‘Furista Xisbiyada’ uga dan leeyahay xukun dheereysi ee aysan ka ahayn daacad ayaa ka quustay heshiis ay la galaan Muuse Biixi, waxyna bilaabeen bannaanbaxyo rabashado dhalyey oo diid ku daatay, waxana xaalada Somaliland tahay mid kacsan oo kacdoon beeleed siyaasadeysan hareeyay.

Madaxda Mucaaradka Somaliland oo ay hoggaaminayaan xisiyada Waddani iyo UCID ayaa bilaabay inay u hanjabaan Muuse Biixi, sidii Midowgii Musharixiinta ee Muqdisho, iyagoo weliba u goodinaya inay hubka qaadan doonaan.

Sida Odayaasha Beelaha Muqdisho iyo saraakiishii badbaado Qaran ayey Caaqilada Beelaha Somaliland iyo Mujaahidiintii SNM qaarkood warbaahinta hanjabaad u marinayaan Muuse Biixi, waxayna xiisada siyaasadda gaartay meel halis ah.

Siyaasiyiinta Muxaafidka ee Muuse Biixi raacsan iyo kuwa Mucaaradka ee xisbiyada ee Waddani iyo UCID ayaa xaaladda uga sii daraya iyagoo qaab beeleysan isu weerarraya, waxaana Beesha ugu weyn ee Mucaaradka u aragtaa in xilka Madaxweynaha ay markan xaq u leedahay oo wax badan samirtay.

Muuse Biixi wuxuu iminka marayaa inuu dhageysan waayo Isbaheysiga WADDANI iyo UCID, iskana diido wax tanaasul ah, sidii Farmajo yeelay 2022 iyo 2021, isagoo xoogga saaraya qorshaha furista xisbiyada cusub xilli kala guur ah.

- Advertisement -

Waxaa gebi ahaan meesha ka baxay Guddigii Doorashada oo is wada casilay, taasina waxay xaqiijisay inaysan doorasho xiligan ka dhici karin Somaliland. Muuse Biixi wuxuu qeyb weyn ku lahaa burburka Guddigii Doorashada.

Muuse Biixi wuxuu Maxamed Farmajo kala mid noqday inuusan ogoleyn isu soo bax siyaasadeed, bannanabax kastana uu keeno in dad lagu dilo, qaarna lagu dhaawacyo, arrintan waxay dadka dib u xusuusinaysaa halgankii Farmaajo iyo Midowgii Musharixiinta dhex maray markii uu gaaray heerkii ugu sareeyay, kadibna gacan-ka-hadalka isu bedlay.

Madaxweynaha Somaliland uma muuqdo xaaladda cakiran ee maamulkiisu marayo, wuxuuna jeediyay khudbad weerar ah oo uu si gaara u beegsaday Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xeri Xaaji Cali, taasoo dad badan ka yaabisay.

Haddii aanu Muuse Biixi xaqiiqada u soo laaban, iska dhaafin hamigiisa muddo kororsiga ah ma heshiis la gaarin mucaaradka talada la leh, waxaa muuqata inuu mari doono dariiqii Farmaajo, inkastoo qalalaase iyo dagaalo ka dhaca Somaliland ay mar kasta ka hortagaan odayaasha dhaqanka degaanadaasi oo awood buuxda leh, taasoo ah rajada kaliya ee la qabo.

Goobjooge.net

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

MD. Xasan Sheekh oo ku dhawaaqaya bilowga Wejiga labaad ee Dagaalka Alshabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe. Wafdiga Madaxweynaha waxaa Aadan yabaal kusoo dhoweeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali...

Odayaal ka socda Hawiye iyo Digil/Mirifle oo Waanwaanta Laascaanood u tegay Garowe

Waxaa magaalada Garowe maanta gaaray odayaal dhaqan oo ka kala socda beelaha Hawiye iyo Digil/Mirifle oo ujeedkoodu yahay inay waanwaan ka galaan colaadda magaalada...

Madaxweyne Xasan Sheekh ma fadhiyo Villa Somalia ee waxaa lagu hayaa Imaaraadka (Qormo Culus)

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud-kii aan aqiinay ee ay Soomaali dooratay ma arko, qof u eg balse aan aheyn Xasan Sh Maxamud-kii runta ahaa ayaa...

Guddoomiyaha Hiiraan oo Dhowr bilood kadib ku laabtay Beledweyne, kuna dhawaaqay..

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kadib markii uu muddo dheer ka maqnaa Gobolka. Cali...

Faahfaahin laga helay Weerarkii Alshabaab ee Ruun-Nirgood iyo Qasaaraha ka dhashay..

Faahfaahin ayaa laga helayaa dagaal ay Alshabaab ku qaadeen xaruntii ciidamada dowladda ee Degmada Ruun Nirgood, kaasoo geystay qasaare culus. Wararka laga helay dadka degaanka...

Taliyaha Booliska oo Shaqadii ka eryay Askari lagu faafiyey Baraha Bulshada iyo Maxkamad..

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shaaciyey in la qabtay Askari Boolis ah oo dhibaateeyay qof shacab ah, kaasoo muuqaal laga duubay lagu faafiyey Baraha...

Rag Hubeysan oo Toogasho lagu dilay Suuqa Bakaaraha iyo Faahfaahin laga helay

Rag hubeysan ayaa lagu toogtay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha, kuwaaas oo la sheegay inay lagu tuhmay Alshabaabnimo. "Ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa Sirdoonka iyo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Maxay Kooxda Ahlu-Sunna ku heysataa Wasiir Mukhtaar Roobow..?

Culimada Dariiqooyinka ee loo yaqaan Ahlu-Suna ayaa sheegay inay xiriirka u jareen Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo muddooyinkan danbe...

Madaxweynaha Uganda oo shaaciyay tirada Askarta loo tababaray Dowladda Somaliya

Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni oo shalay madaxweynaha Soomaaliya kala qeyb galay xafladii lagu soo xirtay tababarka ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay tirada ciidamada iyo meelaha...

Siyaasiyiin Caan ah iyo xildhibaanno ka hor yimid Muddo kororsiga Xasan Sheekh iyo Baarlamaanka

Kadib markii uu soo shaac baxay Qorshaha muddo u kororsiga ah ee Madaxweynaha Soomaaliya siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka horjeeda Mooshinka Muddo kordhinta ee laga...

Khilaafaad iyo Musuq Hareeyay Wasaaradaha Xukuumadda Xamsa iyo Wasiir is casilay

Khilaafaad maamul iyo Musuqmaasuq ku saabsan Qandaraasyo la bixiyey, shaqaale la eryay oo Boosaskooda qaar kale lagu bedeshay iyo Adeegyo loo xiray shirkado iyo...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!