Tuesday, June 24, 2025

Xildhibaan C/raxmaan Odawaa: “Maxay u fuli waayeen balan-qaadyadii Doorashada ee Farmaajo..?” [Akhriso]

-

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ahaana wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha dowladii Xasan Sheekh ayaa markii ugu horeysay afka furtay, isagoo ka hadlay hoggaanka dowladda Soomaaliya iyo balanqaayadii uu sameeyay xilligii doorashada.

Mudane Odowaa ayaa is-weydiiyay balanqaadyadii uu doorashada ku galay Maxamed C/lllaahi Farmaajo iyo waxa ka qabsoomay, wuxuuna qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in balanqaadyadii ay WAR iska noqdeen.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAAN ODOWAA

Balanqaadkii 8-da Febraayo

Maalmahaan waxaa aad la ii weydiiyaa ”maxay u fuli waayeen balanqaadyadii Doorashada, maxaase qaldan?“. Jawaabteydu waxa ay aheyd “wax fudud oo hal jawaab leh ma ahan”.

Su’aal 2aad ayaa la igu celiyaa oo ah qof walba markuu xilka doonayo aad ayuu u yaqaana dhibaatada Soomaliya ka jirta xalkana u hayaa, maxaa is badala markii xilka la helo ama lagu guuleysto?

Wax is badala ma jiraan ee waxaa jirta laba arimood oo aad iyo aad isaga keena qaldan:
1- waa midda musharaxiinta jeediyaan marka kursiga loo tartamayo. Waxaa la yiraahdaa (what): maxaa qaldan, maxaase la rabaa in la qabto? Labadaas qof walba oo Soomali ah si fudud ayuu u sharixi karaa. Waxaa qaldan wax walba ( siyaasadda, amaanka, dhaqaalaha, awood qaybsiga, iyo weliba xukun wadaag la’aanta). Waxaa la rabaa in intaas la xaliyo. Waa fududahay in la sheego cilada lana balan qaado xalkeeda.

2- Aan u imaano markii xilka lagu guuleysto waxa lagaa rabo ma ahan what oo ah maxaa qaldan ama maxaa la saxaa ee waxa ay su’aashu isku badalaysaa (how) ama qaabkee ayaa loo xalinayaa ama loo gaarayaa jidka la rabo in la gaaro.
Meeshaan waa meesha waysadu nooga jabto hadii aan siyaasiyiin nahay ileen shalay waxa aan sharaxeynay oo aan kusoo tartan galnay waxa ay ahaayeen (what), ee marnaba la iskama wareysan sidee ama qaabkee (how).

Hadii aan marka 8 February ku fiirino labadaas su’aal tan hore waa middi la sharaxay oo ay dadku (Xildhibaanadu) ugu codeeyeen Madaxweynaha talada haya, lakiin midda hadda sideed bilood ka dib noo muuqata waa su’aasha labaad ee ah qaabkee.
Ilaa hadda qaabkaasu kama muuqdo amaanka, siyaasadda, dhaqaalaha xiriirka dibadda iyo wadanimadii muuqatay markii xilka la raadinaayay oo aan Qalbi Dhagax la gacan galin.

Marka soo uma eka maahmaahdii Soomaliyeed ee aheyd (Balani Waa War) hadii balanqaadyadii 8 Febraayo ka horeeyay aan waxba laga heyn, walibana aan jidkooda la hayn.

Guul iyo gobonimo.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Wasaaradda Gaadiidka DFS oo qasab uga dhigtay dadka ku xiran inay qataan Kaarka Aqoonsiga ee NIRA

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan cusub oo dadweynaha ku xiran adeegyadeeda qasab uga dhigaya inay...

Xabbad joojin dhaqan gashay iyo Iran oo daqiiqadihii ugu danbeeyay duqeyn xoog leh la beegsaday Isra’iil

Xabbad joojintii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dhaqan gashay dalalka Iran iyo Israa'il. kadib duqeyn culus oo Iiraan ay...

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad...

Axmed Madoobe oo gaaray Garowe iyo Qorshaha cusub ee isaga iyo Siciid Deni ugu midoobayaan Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jubaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  saddex sano kadib maanta gaaray magaalad Garoowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay...

Duqeyntii labaad oo lagu qaaday Aadan-Yabaal iyo Kaydkii hubka Al-Shabaab oo la gubay

Duqeyntii labaad muddo 48 saacadood ah ayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Beesha caalamka ku qaadeen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeynta...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you