Tuesday, July 15, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad: Xasuuqii Zoope su’aalo badan ayaa kasoo laabtay! [Qormo kulul oo Siyaasadeysan]

-

Maalin Sabti ah 14 bishaan ayay ahayd markii weerar argagixiso oo taariikhda Soomaaliya aan horay usoo marin lagu qaaday Hoteelo, Meherado Ganacsi iyo Goobo kale oo bulshadu ku kulanto. Dhacdadaas xanuunka badan marka la’eego sida wax u dhaceen iyo qaabka Dowlada Soomaaliya ula falgashay bilowgii dhacdadaas argagaxa leh iyo sida hada la rabo in loo maareeyo baaritaanadii ay ahayd in lagu sameeyo xasuuqaas waxaa kasoo ifbaxaya su’aalo badan oo shaki abuuraya oo ku xeeran Xasuuqii Zoope!

1. Markii qaraxu dhacay gurmad degdeg ah looma fidin dadkii dhaawaca ahaa si loo badbaadiyo nolashooda. Qaraxu waxa uu dhacay 3:15 galabnimo. Dab demiskii ugu horreeyayna waxa uu goobta qaraxa soo gaaray 4 saacadood kadib. Iyada oo in badan oo banaanada ku dhaawacmay iyo kuwii ay ku dumeen dhismayaashii ay ku qaylinayeen, na badbaadiya ilaa dabku jirkooda qabsaday kuna nafwaayeen halkaas!

2. Maalin sabti ah 14/10/2017, saacadu markii ay ahayd 3:15 galabnimo ilaa habeen isniinta ah 16/10/2017, saacadu markii ay ahayd 12:23 habeenimo dowlada Soomaaliya kama hadlin sida wax u dhaceen iyo baaxada qasaaraha dadka soo gaaray inta uu la’egyahay. Madaxweynaha waxuu tacsiidiisa ugu horreeyay diray markii dadku kala seexdeen oo la dhaafay 1:00 habeennimo oo ku beegan axad 15/10/2017. Waxay dad badan farriimo u direen Madaxweynaha iyagoo xusuusinaya in dhacdadii Lasvegas ee dalka Maraykanka uu ka tacsiyeeyay laba saac gudahood (maadaama uu haysto dhalasho Maraykan ah)!

3. Maalintii axadda ahayd 15/10/2017, warbaahinta dawlada iyo saaxiibadeeda Twitter ka iyo Facebook ga waxay ku celcelinayeen khasaaraha in lagu qiyaasayo ilaa 30 qof! Galabtii Axadda ayaa anagoo ah Xildhibaano katirsan labada gole ee barlamaanka waxaan tagnay qaar kamid ah hospitaalada magaalada Mogadishu, waxaanan la wadaagnay bulshada Soomaaliyeed in waxa meesha ka dhacay ay tahay MUSIIBO QARAN.

Dhimashaduna kor u dhaafeyso 230, dhaawacuna cagacageynayo ugu yaraan 300. Xildhibaannada laba gole ee goobaha caafimaadka tagay ayaa dadaal dheer u galay inay ku qanciyaan madaxda dawladda baaxadda muusiibadan iyadoo habeenkii isniintu soo galeysay 16/10/2017 markii dadku kala seexdeen oo saacadu ahayd 12:23 habeennimo ay Xukuumadu soo saartay warbixinteedii ugu horreysay ee ay uga hadasho qasaaraha dadka shacabka ah soo gaaray inta uu la’egyahay!

4. Sidoo kale qaraxu markii uu dhacday daqiiqado kadib wuxuu Twitter kiisa kusoo qoray Wasiirka Arimaha Dibada Qadar in weerarka lala beegsaday Safaarada Qadar, ayna soo abaabuleen dowladaha khaliijka ee go’doomiyay dowlada Qadar oo ka xun garab istaagii Soomaaliya garab istaagtay dowlada Qadar!

5. Hadaba waxaa isweydiin mudan:

– Aaway mas’uuliyiintii amniga u xilsaarnaa iyo saraakiishii hugaaminaysay ciidamada joogay isgoysyada iyo irdaha laga soo galo magaalada ee baabuurkaan soo daayay, maxaase tilaabo looga qaadi waayay?

– Aaway Wasiirkii Amniga ee saraakiisha shaqada uga cayriyay, lahaana waan iscasilayaa hadii aan lasoo qaban qof dilay wiilkii uu abti u ahaa. Miyuusan mas’uuliyad u heynin kuwaan, una diirnaxeyn kuwaan la xasuuqay?!

– Baabuur nuucaan oo kale ah looma ogoleyn inuu soo maro wadadaan, ka warqab la’aana looma soo deynin ee yaa soo daayay, sideese ugu suurogashay inuu yimaado ilaa isgoyska Zoope oo aan ognahay dhamaan jidcadeyaasha soo gala inay xiranyihiin, wadooyinka waaweyn ee loo soo marana ay ku leeyihiin ciidamada amniga baro baaritaan oo dhowr ah?

– Mas’uuliyiinta dowlada maxay ugu gurman waayeen dadkii dhibaatadu ku dhacday oo loogu fiirsaday dadkii dhaawacmay ilaa dabku ku tago oo sida aan aragnay ay uwada gamaareen. Yaa mas’uul ka ah dad badan oo dayac u dhintay. Maxayse uga aamuseen mudada intaas la’eg xasuuqaas ba’an ee dadkaas shacabka ah loo geystay. Miyeysan kamid ahayn dadka ay mas’uuliyada u hayaan mise ujeedo kale oo naga qarsoon ayaa jirta?

– Ma su’aashay Xukuumadu Wasiirka Arimaha Dibada Qadar inuu la wadaago macluumaadka uu ka hayo qaraxaas ee sheegayay in dowlado soo abaabuleen iyo sidoo kale ujeedka uu kalahaa inuu yiraahdo Safaarada Qadar ayaa weerarkaas lagu qaaday, iyadoo ay u dhaxayso Safaarada Qadar meesha ay ku taalo iyo meesha weerarku ka dhacay masaafo aan ka yareyn hal kiilo mitir?

Dhamaan arimahaan oo dhan marka la isku daro waxaa jira tuhun soo kordhaya oo ku saabsan dhacdadii xanuunka badneed ee 14kii bishaan ka dhacday isgoyska Zoope. Waxaan usoo jeedinaynaa Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada inaan sidaan sahalka ah looga gudbin xasuuqii Zoope ee ay qaadaan tilaabooyin deg deg ah oo lagu baarayo dhacdadaan sida ugu dhaqsiyaha badana ula wadaagaan natiijada baaritaanadaas goleyaasha barlamaanka, qoysaskii, qaraabadii iyo umaddii Soomaaliyeed ee dhibaatadani ku dhacday.

Mahadsanidiin.

W/Q: Xildhibaan Mahad Maxamed Salad

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you