Saturday, August 23, 2025

Xildhibaan Odowaa: “Nama cabsi galinayaan Ciidamada aad Dh/mareeb ku daabulayso” [Qormo ku socota Madaxweyne Farmaajo]

-

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa, ahna musharax u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa qoraal culus ka qoray xiriirka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Itoobiya, isagoo sheegay inuu doorashada ku galay ka hortagga faragelinta Itoobiya ka wado Soomaaliya.

Musharax Odowaa oo ka mida ragga ugu cadcad doorashada Galmudug ayaa qoraalkiisa kusoo qaatay dhaqanka Madaxweyne Farmaajo iyo sida uu u adeegsaday ciidamada Itoobiya, wuxuuna qormadiisa cinwaan uga dhigay:

Madaxweyne Farmaajo iyo ciidamada Ethiopia

Madaxweynaha markii uu doorashada raadinaayay wax ugu wayn ee uu ku soo ganbaday waxa ay aheyd inuu wax ka qabanayo faragalinta Ethopia ay Soomaliya ku hayso.

Madaxweynuhu maba daahin ee markuu xilka qabsadayba waxa uu si aan xishood laheyn u billaabay in uu dadka Soomaliyeed ku cabburiyo ciidamada dowladda Ethopia.

Dhacdooyinka soo socda ayaa marqaati u ah xogtaan hoos ku xusan:

1. Waxa uu 2017, asaga oon xilka sanad hayn, dalka Ethopia u gacan galiyay Mujaahid Qalbi-dhagax, isla markaana ONLF ku tilmaamay ururu argagixiso. Soomali badan oo aan ka mid ahaa iyo barlamaanka Soomaaliya haddi aysan ka dhiidhi lahayn, waxay maanta nagu wada ahaan lahayd ceeb qaran, balse waxay hadda ku kooban tahay asaga iyo kooxdii la ogeyd.

2. Waxa uu 2018 ku afduubay doorashadii Koonfur Galbeed, laguna xasuuqay dad badan oo reer Baydhaba ah oo dalbanaayay xuquuqdooda dastuuriga ah. Sidaa si la mid ah ayaa ciidamada Ethopian ka ahi ugu soo afduubeen Mukhtaar Roobow oo illaa hadda aan sharciga la hor keenin.

3. Waxa uu isku dayay in uu ku weeraro Kismaayo ciidan Ethiopian ah si ay ugu soo afdubaan Madaxweyne Axmed Madoobe, laakin Madoobe oo ka khibrad badan kooxda Farmaajo ayaa xiray airport ka Kismaayo, kuna jaray baabur jidka ay diyaaraddu ku dagato, sidaas ayayna ciidamadii uu madaxweynuhu soo kireystay ku fashilmeen.

4. Waxaa hadda ka socda deegaannada Gedo afduub iyo caga jugleyn ay u gaysnayaan ciidamada Ethiopia cid kasta oo Madaxweynaha ka ra’ayi duwan oo joogta deegaannadaas ama tageersan Madaxweyne Madoobe.

5. Waxaa ugu danbeeya kuwa uu hadda ku sii daabulayo Dhuusamarreeb si uu ugu boobaan doorashooyinka Galmudug una soo afduubaan musharraxiinta kasoo horjeeda aragtidooda, illeen ma aaminsana in si xor iyo xalaal ah nooga adkaan karo.

Haddaba waxaan xasuusinayaa Madaxweynaha filimkaas hore ayaan usoo galnay waxa uuna ku dhamaaday ciidamadii Ethopia oo dhammaa 50 kun oo dhaawac iyo dhimasho sita oo ka qulqulay dalkeenna.

Mudane Madaxweyne waxaa Youtube-yada ka buuuxa warkaagii shalay, dhaqankaaga maantana cid walba waa arkayasaa, waxaan kuugula talin lahaa inaad is daba qabato, nama cabsi galinayaan ciidamada aad Dhuusamreeb ku sii daabulayso, dadka reer Galmudug na ma aha kuwa baqdin galinta wax looga helo.

W/Q: Xildhibaan C/raxmaan Odowaa

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you