Sunday, July 13, 2025

XOG: Aljazeera TV oo soo Bandhigay Heshiiskii Imaaraadku kula wareegay Dekadda Berbera & Doorkii Dahabshiil [DAAWO]

-

Telefishanka Aljazeera ayaa xalay baahiyey Barnaamij muddo la sugayey oo ku saabsan ‘Dagaalka Dekadaha’ ee Geeska Afrika ka socda una dhaxeey dalalka Imaaraadka, Shiinaha, Turkiga iyo quwadaha waaweyn.

Barnaamijka oo lagu magacaabo ”Almasaafa Sifr” wuxuu diirada saaray khilaadkii dhex maray Shirkadda DP World iyo dowaldda Jabuuti oo keenay in dalka Jabuuti laga eryo shirkadda Imaaraadka iyo Heshiiskii uu Imaaraadku ku qaatay Dekadda Berbera oo xaalado musuq iyo damac is balaarin ku wareegsan yihiin.

HOOS KA DAAWO BARNAAMIJKA

المسافة صفر- حرب الموانئ

DOORKII SHIRKADDA DAHAB-SHIIL

Barnaamijka ayaa ogaaday in shirkadda Dahabshiil oo ugu weyn xawaaladaha Geeska Afrika ay ku lug lahayd heshiiska Imaaraadka loogu gacan geliyay Dekadda Berbera, iyadoo si rasmi ah u taageertay, isla markaana website-keeda ay ku baahisay qoraal lagu taageeray heshiiskaasi.

Baaritaanka Aljazeera ayaa lagu sheegay inay shirkadda oo xarunteeda weyn ay tahay Imaaradka ay heshiiska Dekadda Berbera lug ku lahayd, iyadoo uu jiro xiiriir u dhaxeeyay Shirkadda Dahabshiil iyo maamulkii Siilaanyo, kasoo salka ku hayey mas’uul ka tirsanaa shirkadda oo wasiir ka noqday madaxtooyada Somaliland.

Baaritaanka ayaa ka hadlay sumcada shirkadda Dahabshii oo la sheegay in laga baaray is daba marin maaliyadeed, isla amrkaana iyadoo qof ka mida shaqaalaheeda lagu xiray Xabsiga Guantanamo, taasoo keenay in mareegta google search boggeeda koowaad laga helo marka Dahab-shiil la baaro qoraalo ku saabsan in qof ka tirsan lagu xiray xabsiga Guantanamo Bay.

Dahabshiil waxay heshiis la gashay shirkad markii danbe la kala diray oo lagu magacaabi jiray Bell Pottinger kula heshiisay inay Google search ka saarto warbixinadda isku xiraya xabsiga Gauntannamo iyo shirkadda Dahabshiil, si sumcadeeda loo ilaaliyo, shirkadaas oo shaqadaasi u qabatay Dahabshiil. Aljazeera TV ayaa sheegatay in shirkadda ka jawaabin su’aalo ay u dirtay oo ku saabsan doorkeedii heshiiska Imaaraadka ee dekadda Berbera.

Salaam Hindaawi- Weriyaha Barnaamijka diyaarisay – لمسافة صفر

XUKUUMADII SIILAANYO

Warbixinta Aljazeera ayaa isku xirtay heshiiska Imaaraadka kula wareegay dekadda Berbera iyo Qoyska Siilaanyo oo ay ku lug leedahay xaaska Siilaanyo iyo ninka uu soddoga u yahay.

Heshiiska Dekadda Berbera ee lagu wareejiyey Shirakdda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World ayaa la sheegay inuu qarsoodi yahay oo Baarlamaanka Somaliland laga qariyey iyadoo loo gudbiyey qoraal afsoomaali ku tarjuman, kaasoo keenay inay isu gacan qaadaan guddoomiyihii golaha wakiilada ee xilligaasi iyo ku xigeenkiisii xilligii xukuumadii Siilaanyo.


Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad

DOWLADDA SOOMAALIYA

Dowladda Soomaaliya oo heshiiska Dekadda Berbera ka hor timid ayuu baaritaanka Aljazeera TV sheegay inuu madaxweyne Farmaajo muddo saddex jeer ah ka codsaday dhaxal-sugaha Imaaraadka inuu tusiyo heshiiska rasmiga ah ee dekadda Berbera, balse Imaaraadku aanu codsigaasi aqbalin.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad oo lagi wareystay barnaamijka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sharci darro u aragto heshiiska DP World kula wareegtay Dekadda Berbera, isla markaana ay tahay ku xadgudub qaranimada Soomaaliya.

Khilaafka Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya ayaa weli taagan, wuxuuna Wasiirku sheegay in dowladda Sacuudiga ay u sheegtay inay dhexdhexaadineyso Imaaraadka, balse ay weli wax tallaabo ah qaadin.

Baaritaanka Telefishanka Aljazeera ayaa nuxurkiisu ahaa in la soo bandhigo sida Imaaraadku Carabtu heshiisyo qarsoodi ah iyo adeegsiga dhaqaale ugula wareegayo dekaddaha Geeska Afrika, iyadoo qeyb ka ah dagaalka dalalka dibadda ugu jiraan Dekadaha Geeska Afrika ee Soomaaliya ka mid tahay.

DIYAARINTII: GOOBJOOGE.NET

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you