Monday, July 14, 2025

XUKUUMADDA SOOMAALIYA GO’AAN GEESINIMO LEH BAA LOOGA FADHIYAA!

-

Dowladda Kenya waxaa ay shaacisay go’aankeedu ku aadan muran xuduudeedka badda ee nagala dhaxeeya.

Wasiirka arimaha dibadda Kenya, Monica Juma, oo shir jaraaid qabatay ayaa sheegtay in dalkeeda aanu ‘hal inch’ uusan uga tegay dal kale, oo dabcan Somaliya ay ula jeeday.

Juma waxaa ay intaa ku dartay in ay jawaab waafi ah/ faahfaasan ay Somalia ka sugayaan. Raali gelin waa in ay qeyb ka ahaataa jawaabta, ayay ku dartay.

Wasiirka arimaha dibadda waxaa ay tilmaantay in dhul intaa ka yar dalalka qaar ku dagaalaamaan.Kenya in ay haatan is xakameynayso ayay xustay.

Go’aankan ka soo baxay Kenya ayaa yimid kadib kulan uu madaxweyne Uhuru Kenyatta la qaatay golaha wasiirada Kenya.

Mar haddii kulan uu Uhuru Kenyatta shir gudoominayay go’aankaas ka soo baxay, waa muuqata in Kenya mowqifkeedu cad yahay.

Sabtidii Kenya ayaa soo erisay safiirka Somalia u fadhiyay Kenya, una yeertay safiirkooda Muqdisho ka fadhiyay. Waxaa go’aankaas loo arkayay mid ay gun dheereyn, balse hadda Kenya waa cadeysay mowqifkeeda.

Aamusnaan dheer kadib dowladda Somaliya waxaa ay ka jawaabtay eedeymihii Kenya ee ahaa in Somaliya ay London ku xaraashtay dhulbadeedkii lagu muransanaa ee dacwadiisu weli maxkamadda caalamigu go’aan ka gaarin.

Dowladda Somaliya ayaa meesha ka saartay tuhunka Kenya ee ahaa ‘xaraashka’ dhulbadeedka lagu muran san yahay, ayada oo sheegtay in London lagu soo bandhigay sahanka cabirka saliidda Somaliya ceegaagta.

Jawaabta oo weliba aad looga fiirsaday, ereyo xanaf laga dhowrayna lagu qoray, dowladda Kenya uma cuntamin. Waa tan hadda weli dalbanaysa in jawaab dheeraad ah la siiyo, kuna hanjabeysa cunaqabateyn.

Haddaba dowladda Somaliya maxaa la gudboon mar haddii jawaabteedii hore lagu qanci waayay, haddana loogu hanjabayo cunaqateyn iyo in dagaal.

Marka hore dowladda Somaliya waa in ay arintan u aragtaa dan qaran(national interst) sida ay Kenyaba ugu aragto, .

Marka xigta waa in kulan deg deg ah xukuumaddu isugu 
timaaddaa, kulankaasna si fican loogu gorfeeyaa arrinkan kadibna la qaataa go’aan natiijo kasta oo ka timaadda diyaar loo yahay.

Sidoo kale, dowladdu Somaliya waa in Kenya ay dareensiisaa in ay tahay dal madaxbanaan oo aan loo yeerin Karin.

Inkastoo ciidamo Kenyaan ahi oo dowladda caawiya dalka ka joogaan, qaxooti badana dalkeeda daadsan yihiin, haddana ‘soor quureed lama qaato’

Ogow Somaliduba dhaqaale badan bay dalkaas geliyaan oo uu ugu horeeyo ganacsiga qaadka oo aynaan wax kale uga bedelan.

Somaliya waa in ay muujisaa in xaaladda oo xumaataa dal kaliya aanu dhibeyn ee laba ‘darafle’ arinti tahay.

W/Q: Mohamed Osman New York

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you