Jawaabta kooban waxay tahay in ururka IGAD garta siiyay Kenya, una diiday Soomaaliya. Sababtana waxay tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya horey loogu sheegay inay qaldan tahay, isla markaana iska indha tirtay talooyinkii loo jeediyay ee ku saabsanaa dib u heshiisiinta iyo doorashada 2020/2021.
Marka meel la iska dhigo dacwada badda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya oo ku jirta gacanta Maxkamadda caalamiga ah ee Garsoorka laga soo bilaabo 2014, ma jirto cid Soomaaliya ku haysata dhulkeeda iyo madaxbannaanideeda. Isla markaa, adduunka kama dahsoona qaska siyaasadeed iyo dowladnimo, sharcidarrada, musuqmaasuqa, iyo nabadgelyo la’aanta ee ka taagan Soomaaliya.
Inkastoo Soomaaliya xubin tahay, Galka Soomaaliya waxaa gacanta ku haya Golaha Ammaanka ee QM, Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika, iyo Ururka IGAD. Deeq bixiyayaasha caalamka waxay siiyaan malaayiin doolar ururradaas si ay uga shaqeeyaan Soomaaliya. Sidaa darted, Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed iskama indhatiri karaan duruufaha iyo xaaladaha gaarka ah ee Soomaaliya mareyso.
Xiriirka caalamiga wuxuu ku dhisan yahay xeerar iyo dhaqammo lagu kala dambeeyo, dal walbana ku dadaalayo inuu danahiisa ku raadsado, kuna ilaalsado. Qar iska tuurka waa halis dal gaarsiin karta burbur iyo baaba’.Dowladda Federaalka iyo Dowladda Goboleedyada Soomaaliya waxaa ilaaliya Ciidammo ka socda dalalka IGAD, kharajkoodana waxaa bixiya dalalka Yurub iyo dalal kale. Adba garo sababta ka dambeysa taakuleyntaas!!!
Sida lala socdo, Dowladda Federaalka waxay xiriirka u jartay dowladda Kenya, taaso macnaheedu ahaa inay garteeda goosatay, kaddibna waxay u dacwootay ururka IGAD oo Soomaaliya xubinta ka tahay.
Shirkii 38 ee ka dhacay dalka Jabuuti oo dowladda Sudan Shir Guddoomiye ka aheyd, dacwada Soomaaliya laguma soo darin Ajendaha Shirka, khudbadihii shirka laga jeediyay laguma soo qaadin dacwada Soomaaliya marka laga reebo khudbaddii Madaxa Midowga Afrika oo dulmaray khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kuna taliyay in ay labada dal wada hadlaan, kana heshiiyaan khilaafkooda waayo kalama maarmaan sida uu sheegay.

Waxaa la shaaciyay sawirka kulan gaar ah ee dhexmaray Madaxweynayaasha Dowladaha Soomaaliya, Kenya, Jabuuti, iyo Ra’isul Wasaaraha Ethiopia, kaaso loo fasiran karo in Soomaaliya loo sheegay inay qaldan tahay sababtoo ah sida la xusuusan yahay wasiirka Arrimaha dibedda Mudane Maxamed Cabdirizaq Abubakar wuxuu warbaahinta u sheegay in Soomaaliya la saaray cadaadis gaar ah, haseyeeshe Soomaaliya weydiisatay baaris iyo wax ka soo qaad dacwadooda.
Hadalkaas wuxuu muujinaya in Madaxweynaha JFS uusan garan luqada Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia kula hadleen. Waxaa suura gal ah in Madaxweyne Farmajo isku halleeyay taagerada Ra’isul Wasaaraha Ethiopia, haseyeeshe aan marna muuqan. Waxaa kaloo suuragal ah in Madaxweyne Farmajo damcay inuu u dhaqmo sida shacabka Soomaaliyeed ula dhaqmo oo ah inuusan maqlin, dhegeysan warka, cabashada, talada loo jeedinayo mar kasta.
Waxaa la soo saaray warmurtiyeed aan lagu xusin dacwada Soomaaliya iyo in IGAD ku sameyn doonto dabagal, baaris, wax ka qabasho. Waxaa murtiyeedka lagu sheegay in Dowladda Federaalka qabato doorasho heshiis lagu yahay, xor iyo xalaal ah, oo waqtigeeda ku dhacda. DF waxaa lagu booriyay inay is afgarad la gaarto DG iyo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya ee khilaafka kala dhexeeyo si loo qabto doorasho heshiis lagu yahay.
Madaxweyne Farmajo ma garan inuu ahaa Madaxweyne loo sheegayo shaqada laga rabo ee dowladaha IGAD ay amarka iyo talada ku leeyihiin. Saraakiisha Dowladda Jabuuti iyo Jeneralka Ethiopia waxay ku shaqeynayeen tilmaamihii IGAD. Waxaa kaloo suura gal inay raacayeen xeerka IGAD.
Haddii soomaali ka baxsatay dhibaatada iyo weerarka DF ay ku nool yihiin dhinaca Kenya, Soomaalidaas waa gobannimadoon, waa qaxooti, waa xuquuq doon dowladda Kenya taakuleyso. Qofka soomaaliga waa inuu dalkiisa ku lahaa xorriyad buuxda, ilaalinta dhammaan xuquuqdiisa ay ku jirto xuquuqda siyaasadda. Haddii Garsoorka iyo Sharciga lagu kalsoonado, waddaniyada waa xoogeysaneysa.
Colaadda ka socota Gedo iyo Magaalada Beled Xaawo iyo sababaha ka dambeeya waxaa dhawr jeer looga hadlay shirarka Golaha Ammaanka ee QM, waxaana Madaxweyne farmajo lagu amray inuu Ciidammada DF ka soo qaado Gedo iyo Beled Xaawo si deg deg. Golaha Ammaanka ee QM, Midowga Afrika, IGAD, Saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya ( international partners of Somalia) waxay isku og yihiin, heshiis ku yihiin, kuna og yihiin Dowladda Kenya nabadeynta deegaanka iyo taagerada DG Jubbaland.
Sidaa awgeed, Madaxweyne Farmajo waa inuu garawsado in maawelada iyo riyada lagu daboolayo wadaniyadda iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya aysan shaqeyneyn, dantana dadka iyo dalka Soomaaliya ku jirto inuu wada hadal iyo heshiis la galo madaxda Soomaaliyeed ee talada la leh, isla markaana ilaaliyo ku dhaqanka dastuurka iyo nidaamka wanaagsan ee dowladnimo.
Muddo xileedka Madaxweyne Farmajo ee ay ka harsan tahay 11 maalmood, waxaana dalka ka aloosan colaad qabiil iyo kacdoon siyaasadeed, mana muuqato rajo iyo niyadsami looga hortagayo qalalaase siyaasadeed iyo dagaal sokeeye.

W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow