Tuesday, July 15, 2025

Yaa ka dambeeyay Qarixii ugu qasaaraha Badnaa Soobe..? [XOG URURIN]

-

Wali waxaa socda hawlaha gurmadka ee lagu samato bixinayo dadkii tirada badnaa ee ku waxyeeloobay qarixii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, iyo dabcan sidoo kale baaritaan la xiriira sidii ay wax u dhaceen iyo ciddii ka dambaysay.

Natiijada baaritaankaba ka hor dowladda federaalka waxa ay markiiba farta ku fiiqday Ururka Alshabaab ee dowladda la dagaallama, horeyna looga bartay in ay sheegtaan mas’uuliyadda qaraxyo dad badan ay ku dhinteen oo qaarkood shacab ahaayeen.

Alshabaab ma aysan iska fogeynin eedeynta dowladda, mana aysan sheeganin mas’uuliyadda weerarka. Cabdiraxmaan Sahal waa cilmi baare arrimaha xagjirnimada, BBC-da ayuu u sheegay sababta uu ugu malaynayo in Alshabaab ay u sheegan waysay qaraxa.

“Waxay u aamuuseen waxaa weeyaan qaraxan waxa lagu gumaaday shacab, carruur iyo dumar. Qasaaraha aad buu u badan yahay, taas marka waa dhagar in qofka wixii uu sameeyay uu ka aamuso, waxaa laga yaabaa in ay leeyihiin haddii aad sheegataan khilaaf dhexdiina ah armuu yimaadaa” ayuu yiri.

Xarunta gurmadka ee Hargaha iyo Saamaha
Xarunta gurmadka ee Hargaha iyo Saamaha

Wuxuu intaas ku daray “Haddii ay sheegtaan waxaa ka imanaysa labo arrin; midda koobaad waa kacdoonka shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u naceen Alshabaab oo sii korodhay, kadibna ay ku dhiiradaan in ay iska dhiciyaan, midda labaadna waa, in dhexdooda ay ku kala jabaan, oo ay iska hor yimaadaan, maxaa yeelay Alshabaab iyaga oo nooc kasta ah, haddana lagama weynayo shaqsi shaqsi ay qaaddo qabyaalad ama wax uun, waxaa kale oo suurtagal ah in rag iyaga ka tirsan ay ka soo goostaan”.

Dadka Alshabaab kasoo goostay waxaa ka mid ah hoggaamiye ku xigeenkii ururka Sheekh Muqtaar Rooboow (Abuu Mansuur), wuxuuna shir jaraa’id ku qabtay xarunta gurmadka loogu sameynayo dadkii dhibaatada ay ka soo gaartay qarixii Soobe ee Hargaha iyo Saamaha.

Wuxuuna yiri: “Annaga muddo aad u fog, oo 10 sano ka hor ah baan ku niri, nimanyahoow ka daaya dadka, way nalagu dirireen oo way joojin waayeen, waxanoo kale Shaamoow ayey ka dhaceen, Hargaha iyo Saamaha ayay ka dhaceen, masjid Bakaaraha ku yaalo ayay ka dhaceen, marxalado ka duwan ayay soo martay. Markii ay waxan oo kale dhacaan anaga ma nihin ayaa la dhihi jiray, markii dambana waxaa dhacday in la sheegto oo la dhoho anagaa geysanay”.

Murugada Muqdisho ka jirta

Abuu Mansuur waxa uu sheegay in Alshabaab ay ka dambeeyeen qarixii dhacay “Waxaan ugu baaqayaa in ay ka towbad keenaan. Towbadda waa furantahay, dadka aan la hadlayo waa Alshabaab, waxaan meelaha ka maqlayay Black Water ayaa ka dambaysay, balse aniga ma qabo, sababtoo ah Black Waters wax qarxa iyo gaadiidba way keeni karaan, balse qofkii is qarxiyay ma keeni karaan,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Sahal ayaan wax ka weeydiinay waxa laga yaabo inuu ku dhashay qaraxan: “Waxay baraarujin kartaa in xukuumadda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay midoobaan, waxaa kaloo ay keeni kartaa in ay shacabka dhiiragaliso, aqoonyahanka iyo culumada in ay ku dhiiradaan in ay ka hadlaan, waxaa kaloo keeni karta in waddamada caalamka ee Soomaaliya taageera ay falcelin dhab ah ka sameeyaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Askarta dowladda oo ku sugan goobtii qaraxa ka dhacay
Askarta dowladda oo ku sugan goobtii qaraxa ka dhacay

Matt Bryden oo ah falanqeeye arrimaha amniga Geeska Afrika ayaa wakaalada wararka ee AP u sheegay “Ma jirto koox aan Alshabaab ahayn oo gudaha Soomaaliya ku sugan oo awood u leh in ay rakibto bamkan intan la’eg”.

Waxyaabaha hadda la baarayo waxaa ka mid ah nooca miinooyinka loo adeegsaday qaraxa, xogta laga hayo gaadiidkii qaraxa lagu geystay, qofkii wadday ee is qarxiyay, iyo meelihii uu soo maray gaariga.

Tan iyo intii xukuumadda cusub ay la wareegtay hoggaanka dowladda federaalka, waxaa caasimadda laga ka howlgalayay ciidamo loogu magacdaray xasilinta caasimadda, kuwaas oo dadaalo badan ay sameeyeen ka dib, waxaa soo hagaagay amniga.

Qaraxa ayaa ahaa mid aad u wayn

Talaabooyinka ay qaadeen waxaa ka mid ah in la xiray waddooyinkii yaryaraa ee magaalada, waxaana carro tuur lagu shubay meel kasta oo ay waddooyinkaas kaga soo dhacayeen laamiyada waawayn, sidaasi darteed baabuurta oo dhan waxay maraan goobo ay ciidammada joogaan oo ay qasab tahay in lagu baaro.

Haddaba, waxaa aad suurtagal ah in gaariga qarxay uu soo maray meelo dhawr ah oo ay joogaan askarta dowladda. Sida ay sheegayaan laamaha amniga, baaritaanka la wado “waxaa diirada lagu saari doonaa qaabkii uu gaariga uga soo gudbay barahaasi koontarool”.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxan waxa uu taariikhda ku galayaa in uu yahay kii ugu qasaaraha badnaa ee abid ka dhacay Soomaaliya, waxaana durba jira magacyo ay dadka u bixiyeen, sida “Qarixii dhul gariirka”.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you