Friday, July 18, 2025

Yaa ka dambeeyay Qorshihii fashilmay ee la hor geeyay Aqalka Sare? [Maxaa laga baran Karaa]

-

Xubnaha  Golaha Aqalka Sare ayaa maanta fashiliyey qorshaha Guddoomiye kuxigeenka 1aad Aqalka Sare ee uu ku doonaayey in jahwareer ku galiyo kalfadhiga labaad ee Golaha.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Bukhaari ayaa si wayn u abaabulaayey in Raisul Wasaare Khayre hor yimaado Xubnaha Aqalka Sare si wax looga waydiiyo arrinta Qalbi Dhagax, balse dood dheer oo dhex martay Xubnaha  Aqalka Sare waxaa la isla qiray in haatan baahi wayn aan loo qabin in xubnuha ay fara galiyaan arrin ay gacanta ku hayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Aqlabiyadda Golaha Aqalka Sare ayaa cuskaday Qodobka 71aad ee dastuurka oo muujinaaya hawlaha ugu muhiimsan ee laga rabay ay tahay in la dadajiyo dib u eegsita dastuurka, ansixinta sharciyada horyaalla, iyo dib u habaynta xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, maadama Xildhibaanada Aqalka Sare ay matalaan dowladda Goboleedyada laga soo doortay.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland, ayaa isku raacsan in dib u eegista dastuurka ee haatan socota aan laga dhinac furin arrimo siyaaasadeed oo aan wax tar wayn u lahayn shacabka Soomaaliyeed. 

Sidoo kale, Xildhibaannada Jubbalandayaa iyagu qaba aragtidaan, balse waxa ay doonaayaan in dib u eegid lagu sameeyo go’aanka dowladda ee ku aaddan Jabhadda ONLF.

Maamulka Galmudug oo ah halka ay kasoo bilbaatay arrinta Qalbi Dhagax ayaa Senatoorada kasoo jeeda waxay si wayn u doorbidaayaan in dib u eegid lagu sameeyo, lana saxo xiriirka u dhexaaya Dowladda Faderaalka iyo Dowladda Goboleedyada si looga fogaado jahwareer siyaasadeed oo soo wajaha dalka sidii khilaafkii ka dhashay arrimaha Khaliija ee qaar ka mid ah Maamul Goboleedyadu ay soo saareen go’aan khilaafsan kii dowladda.

Inta badan xildhibaannadu waxay qabaan in aysan galin arrimaha khilaafku uu ka taaganyaahy iyo isjiid jiidka dhinacyada ku loolama siyaasadda maadama Aqalka Sare loo asaasay ka odayeynta khilaafaadka iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka.

Waa tallaabadii koowaad ee ay qaar kamid ah Guddoonka Aqalka Sare ay doonayeen in ay damacooda siyaasadeed uga faa’iideystaan balse Xubnaha Golaha Sare ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday jilaafadii lala doonayay Xukuumadda uu hoggaamiye Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you