Sunday, August 24, 2025

Yaa ku haboon inuu is casilo Ra’iisal wasaare C/weli iyo Wasiir Faarax?

-

Tan iyo markii uu soo if baxay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha  dowlada federaalka Soomaaliya waxaa markale si cad dadku ogaadeen in wasiirkii hore ee Garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir uu yahay shaqsi ku dhex koray dowladnimada Soomaaliya oo miisaankiisu ka weynaaday intii caadiga ahayd ee wasiirnimo.

Waxaa ninkani uu yahay shaqsiga ugu dhow madaxweyne Xasan iyo saaxiib aan la loodin karin oo kalsoonida u dhaxeya ay gaartay heer dadka qaarkii aaminaan in qofka dalka xukuma ficil ahaan aanu ahayn Xasan Sheekh Maxamuud ee talada ugu danbeysaa ay ka go’do Faarax. Laakiin si kastoo wasiirkani loo dhaliilo waxaa in qirto u baahan aqoontiisa iyo dadaalkiisa dheeraadka ah ee ka dhex muuqda xukuumad kasta inta uu madaxweynaha yahay Xasan Sheekh.

RA'IISAL WASAARAHA IYO WASIIR FAARAX C/QAADIR
RA’IISAL WASAARAHA IYO WASIIR FAARAX C/QAADIR

Wuxuu hormuud u ahaa heshiiskii Itoobiya ku dhex maray Axmed Madoobe iyo dowladda, wuxuu kaloo farsameeyay kuna guuleystay inuu rido xukuumadii Saacid ee uu ka midka ahaa, isagoo si weyn ugu dhowaaday xukuumadda Itoobiya, iyo Kenya oo uu dalkeeda deganaa in muddo ah. Wasiir Faarax wuxuu doortaa wasaarado aan indhuhu durba qaban karin, sida saaxiibkii C/kariin Guuleed oo xilkiisa ku waayay markii wasaarad miineysan xilkeeda qabtay.

Khilaafka hadda ka dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha wuxuu salka ku hayaa isla wasiir Faarax oo xilka laga qaaday, haddiiba ay dhacdo in laga noqdo waxaa muuqata inay u kala dhammaatay oo aan wadashaqeyn danbe yeelan karin madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha. Haddana sidee dowladani ku badbaadi kartaa oo khilaafkan looga gudbi karaa?

Waxaa inuusan jirin xal sahlan oo khilaafkani ku dhammaan karo, xitaa haddii midkooda labada nin ee is haya Faarax iyo C/weli is casilaan, hadiise laga fiiriyo labada dhinacba qofkii taga dhibaato iyo dhaawac aanay kasoo waaqsan ayuu gaarsiin doonaa dowladda oo dhan. Haddii Faarax tanaasulo macnaheedu maaha inuu iska tegayo oo wuxuu mari doonaa jidkii C/kariin oo haddaba madaxweynaha lataliye u ah go’aan kastana qeyb ka ah.

Haddii loo faataxeeyo ra’iisal wasaare C/weli waxaa iyana aan marna samri karin xildhibaano iyo wasiiro badan oo qaati ka taagan Madaxweyne Xasan Sheekh  ayna ka go’an tahay inay ka hor yimaadaan wax waliba oo dhinaciisa ka yimaada.

FAALADDA GOOBJOOGE.COM

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you