Tuesday, July 8, 2025

Yaa noqonaya Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Dalka Itoobiya..? [Faallo ku saabsan Xaaladda Itoobiya]

-

Ra’iisal wasaarihii dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa is casilay Khamiistii 15-ka Febraayo 2018, waxayna Itoobiya gashay xaalad degdeg ah iyo marxalad siyaasadeed oo aan la saadaalin karin.

Is-casilaada Desalegn ayuu sabab uga dhigay isbedel siyaasadeed oo dalka Itoobiya ka dhaca, laakiin waxaa shaki badan dhaliyey markii lasoo celiyey xaaladii degdega ahayd oo muujineysa inuu khilaaf ka dhex jiro isbaheysiga talada haya ee ay hoggaanka u heyso TPLF.

Arrintan waxay timid iyadoo labadii sano ee ugu danbeysay ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeeday oo dad badan lagu dilay, laguna xirxiray kumanaan kale, waxaana qowmiyadaha kacdoonka wada ee Oromada iyo Amxaaradda ay dadka dalkaasi ka yihiin 60%.

Xilligan xaaladda adag ay Itoobiya ku jirto ayaa la is weydiinayaa cidda noqon doonta ra’iisal wasaaraha Itoobiya cusub ee bedeli doona Hailemariam Desalegn oo ahaa siyaasi qunyar socod ah oo degan..?, wuxuuna sidoo kale banneeyay gudoomiyanimadii xisbiga haya talada dalkaasi ee EPRDF.

Dadka falanqeeya siyaasadda Itoobiya ayaa aaminsan inay adag tahay in la saadaaliyo siyaasiga noqon doona ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya marka laga eego xaaladda hubanti la’aanta siyaasadeed ee xilligan ka jirta Itoobiya, iyadoo aan dalkaasi looga baran isbedelo siyaasadeed oo waaweyn.

Waxay u dhowdahay in si ku meelgaar ah xilka ra’iisal wasaaraha loogu dhiibo Demeke Mekonnen oo hadda ah ra’iisal wasaare-xigeenka, waxaanu Mr. Demeke ka soo jeedaa xisbiga ANDM ee isbahaysiga la ah EPRDF, wuxuunu sidoo kale Mr. Demeke hayaa xilka guddoomiye-xigeenka xisbiga EPRDF ee talada Itoobiya haya, waxaanu ka soo jeedaa Qomwiyada Amxaarada.

Waxaa la saadaalinayaa in si KMG ah u qabto xilka ra’iisal wasaaraha Itoobiya inta Isbaheysiga EPRDF uu qabsanayo shirkiisa xiga ee lagu dooranayo guddoomiyihiisa cusub oo noqonaya ra’iisal wasaare.

Waxaa kaloo suurtogal ah in xilkan qabtaan siyaasiyiin ka soo jeeda xisbiga Qowmiyada Oromada ee xisbiga OPDO, laakiin hoggaamiyayaasha xisbigan waxaa ku hor gudban aqabad ah inaysan badankood ka tirsanayn Baarlamaanka dalkaas, mar haddii Ra’iisal wasaaraha laga soo dhex dooranayo Baarlamaanka gudihiisa.

Shaqsiyaadka Oromada ah ee ixtiraamka siyaasadeed ku dhex leh baarlamaanka kuwaas oo laga yaabo inuu midkood noqdo ra’iisal wasaaraha Itoobiya waxaa ka mida Dr. Abiy Ahmed, wuxuu ka mid yahay ragga aad loo hadal hayo. Dr. Abiy wuxuu ka tirsan yahay baarlamaanka, Sidoo kale Lemma Megersa oo ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee ururka OPDO ayaa isna u dhow inuu noqdo ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Xubin kale oo farta lagu fiiqi karo ayaa ah Wasiirka arrimaha dibadda ee hadda xilka haya Dr. Workneh Gebeyehu oo ka mida hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee qoomiyadda Oromada, kaasoo ka soo dhex muuqday siyaasiyiinta Orromada ee ku jira dowladda Itoobiya.

Siyaasiyiinta ayaa lagu wadaa in midkood uu noqdo ra’iisal wasaaraha Itoobiya, waxaana la aaminsan yahay in Itoobiya geli doonto xaalad siyaasadeed oo cusub, taasoo aan Itoobiya aysan dib ugu laaban doonin qaabkii uu xukunka dalkaasi ku socday 25-kii sano ee la soo dhaafay.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you