Thursday, July 24, 2025

Yaa xilka ku wareejinaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble? (Aragti Sharci)

-

Dhawaan magacaabistii Ra’iisul-wasaare Roobe kadib waxaa soo baxday su’aal ah cidda xilka ku wareejinaysa Ra’iisul-wasaaraha cusub, ma ra’iisul wasaarihii xukuumadii kalsoonida lagala noqday mudane Xasan Cali Kheere mase kusimihii uu madaxwaynaha magcaabay mudane Mahdi Guuleed?

Hadaba, si su’aashan aan uga jawaabno si sharci ah waxaa lama huraan ah in aan su’aal kale is waydiino oo ah haddii xukuumadda kalsoonida uu baarlamaanku kala noqdo inta Ra’iisul-wasaare cusub laga soo magacaabaayo ma Ra’iisul-wasaarihii ee xilka lagala noqday ayaa sii shaqaynaaya mise waxaa sharci ahaan banaan in xubin ka mid ah xukumadiisi kusima ahaan loo sii magacaabo inta Ra’iisul-wasaare cusub laga soo magacaabaayo?

Ugu horreyn in la magacaabo kusime ka tirsan xukuumaddii baarlamaanku kalsoonida kala laabtay waxay ahayd arrin baalmarsan sharciga gaar ahaan Dastuurka Federaalka KMG qod. 97aad farqadiisa 4aad oo caddayneeso in dhammaan xubnaha golaha wasiiradu ay isla wada dhacaayaan hadii Ra’iisul-wasaarahu istiqaalo keeno ama xilka qaadis lagu sameeyo, sidoo kale qod.103aad ee Dastuurka KMG ah wuxuu jiddaynayaa in dhammaan xubnaha xukuumada ay noqonayaan xil gaarsiiyayaal sii wadaaya hawl maalmeedka xafiisyada.

Sidaas awgeed waxaa sharci ahaan lama huraan ah in Ra’iisul-wasaarihii hore Xasan Cali Kheere uu xilka ku wareejiyo Ra’iisul-wasaaraha cusub mudane Maxamed Xuseen Rooble sababaha soo socdo awgood:-

1. Sida Dastuurku tilmaamaayo gaar ahaan qod.103aad waxay ahayd in Ra’iisul-wasaare Kheere uu shaqada sii wado ilaa laga soo magacaabaayo Ra’iisul-wasaare cusub.

2. In sigaar loo magacaabo kusime ka mid ah xukuumadii kalsoonida lagala noqday waxay ahayd arrin baalmarsan dastuurka gaar ahaan qodobadii aan hore usoo tilmaanay.

3. Ma jirto cid iyo goob uu ku wareejiyay Xasan Cali Kheere xilkii Ra’iisul-wasaaranimada ee horay uu uhaayay, xitaa kusimihii uu madaxwaynuhu magacaabay ee dastuurka baalmarsanaa kuma wareejin wax xil ah.

Asbaabahan awgood waa in ra’iisul wasaarihii hore mudane Xasan Cali Kheere uu xilkii uu umadda u haayay goob fagaar ah kula wareejiyaa Ra’iisul-wasaaraha cusub.

W/Q: Qareen: Daahir Maxamed Cali

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you