Sunday, July 6, 2025

Yaa xilka Madaxweynaha Soomaaliya u waajibiyay Beelaha Hawiye iyo Daarood..? [Qormo xasaasi ah]

-

Xilalka sare dowladda Soomaaliya waxay noqdeen kuwo beelo gaara u cayiman, taasoo tartanka doorasho kasta ka dhigtay in la sii ogyahay beelaha madaxweynaha noqon doonta.

Nidaamka awood qeybsiga 4.5 ayaa sii xoojiyay in beelaha Daarood iyo Hawiye oo kaliya ay ku loolamaan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo beeshii ku guuleysta madaxweynaha ay tan kale qaadato xilka Ra’iisal wasaaraha.

Waxay noqotay taariikh soo taxneyd tan iyo intii ay Soomaaliya xoriyadeeda qaadatay in labadaas beelood oo qura ka yimaado madaxweynaha Soomaaliya, waxayna qabaan dadka kasoo jeeda beelaha kale in dhibaatada Soomaaliya ay sal u yihiin labadan beelood ee is heysta.

Dastuurka dalka u yaala ee qoran waxaa ka xoog badan mid aan qorneyn oo ah dagaal maskaxeed umadda laga dhaadhiciyay inay labadan beelood ug tiro badan yihiin Soomaaliya, taasoo aanay jirin cid caddeyn u heli karta.

Dhibaatada Soomaaliya waxaa qeyb ka ah xilalka sare oo laba beelood u xiran, iyagiina ay yihiin kuwo is ilaashanaya oo isula taagan jalaafo iyo is khaarijin siyaasadeed.

Haddii madaxweynaha Hawiye noqdo wuxuu ku qasban yahay inuu la shaqeeyo Ra’iisal wasaare Daarood ah oo is fahamkoodu qaado waqti marar badanna ay dhacday inay isku dhacaan oo dowladii ka shaqeyn weydo.

Haddiise madaxweynuhu noqdo Daarood waxaa dhaceysa in Ra’iisal wasaarihii uu magacaabo isu qaato inuu ka awood badan yahay maadaama Muqdisho la joogo, taasina ay dhaliso isku dhac labadii hay’adood ee madaxtooyada iyo Fulinta.

Dhibaatadan aan dhammaadka lahayn waxay u muuqataa mid xal loo waayay, waxayna labadan beelood noqdeen kuwo aan heshiis ahayn herdankooduna la degay Soomaalidii kale, sidaasoo ay tahay beelahan dhexdooda heshiis maaha.

Beesha Majeerteen ayaa ah tan ugu tunka weyn Daarood oo dooneysa inay hesho madaxweyne ama Ra’iisal wasaare, taasoo haddii aysan dhicin aysan shaqeyn karin dowladii la dhiso. Dhinaca kale waxaa taagan Abgaal oo u heysta inuu xaq u leeyahay in madaxweynaha Soomaaliya beeshaasi yeelato.

Awood qeybsiga qabiilka ku dhisan ee gaaray heerkan waxay Soomaalida uga bixi kartaa in al iska iloobo labadan beelood ee Soomaaliya dhulka la galay, fursadna la siiyo arrimaha soo socda.

1- In xilka Madaxweynaha ay ka tanaasulaan beelaha Hawiye iyo Daarood.

2- In xilka Madaxweynaha Soomaaliya la siiyo Somailand si midnimada loo dhaafsado.

3- In xilka Madaxweynaha la siiyo beesha Shanaad si markooda loo tijaabiyo hogaankooda

4- In Xilka Madaxweynaha lagu tijaabo beesha Digil iyo Mirifle.

Beelaha awooda badan is biday waxaan u soo jeedin lahaa inay laba xilli doorasho candhuuftooda dib u liqaan oo jagooyin wasiiro iska qaataan, si umadda kale loo tijaabiyo ileyn hogaanka Hawiye iyo Daarood waa lagu hoogaye.

W/Q: Xasan Moalim 

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you