Sunday, July 13, 2025

Yusuf Garad: “Waxaa iga degi kari la’ in Dowladdu ay weriye ku riddo xabsiga Dhexe iyadoo aan Maxkamadi xukumin”

-

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, ahna saxafi ruugcaddaa ah ayaa ka hadlay xariga dowladda Soomaaliya ay u geystay tifaftirihii Warbaaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

Qoraal uu arrintan uga hadlay ayuu sheegay inuusan fahmi karin sababta weriye loogu xiro xabsiga dhexe, iyadoo aanay maxkamad xukumin, wuxuuna saxafiyiinta kala taliyey inay faafiyeen warar aan sugneyn.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Hanjabaad weriye hawada loo mariyay ayaan toddobaadkii hore ka hadlay sida aan u arkay.
Hadda weriye ayaa xabsiga loo taxaabay.Anshaxa Saxaafaddu wuxuu farayaa Suxufi kastaa in uu mar kasta ka dhowrsado war aan sugneyn. Si gaar ah xilliyada masiibooyinka, kacdoonka, colaadaha iyo doorashada.

Sidoo kale waa in uu ka dhowrsado warka dhaawici kara sharafta mas’uuliyiinta, muwaaddin kasta oo kale iyo Aadane oo dhan.

Haddii aan caddeyn biyo kama dhibcaan ah loo heyn, in xilligan xasaasiga ah, Madaxweynaha oo dalka oo dhan ka mas’uul ah, lagu eedeeyo in uu qaatay Neefsiiyaha bukaanka neefsan waaya xanuun awgiis, ma ahan keliya in ay ku tahay meel-ka-dhac iyo eedeyn aad u culus oo tilaameysa mas’uuliyad darro weyn.

Waxaa lagala dhex bixi kartaa in Madaxweynuhu uu xanuunsanayo.Dhiillada uu warkaasi xambaarsanyahay waxay horseedi kartaa khalkhhal siyaadeed iyo mid bulsho.

Kuma aqaan Madaxweynaha, kamana fili karo mas’uuliyad darro intaas le’eg iyo xishood la’aan noocaas ah.

Xorriyadda Saxaafaddu ma ahan shati kuu fasaxaya xadgudub.Haddana, si looga nabadgalo xadgudub, haddii uu dhacayna loo khasbo raalli gelin ama magdhow, dariiq sharci ah oo loo maro ayaa jira.

Wuxuu u furan yahay hey’ad, mas’uul, muwaaddin iyo Aadane kasta oo xadgudub ka tirsanaya saxaafadda. Waxaa iga degi kari la’ sida aan ka arkay warka Ururka Suxifiyiinta FESOJ in Dowladdu ay weriye ku riddo xabsiga Dhexe iyada oo aan Maxkamadi xukumin.

Xilligan xasaasiga ah oo ay tahay in weriyayaashu feejignaan sare ay ka muujiyaan faafinta war aan sugnayn, ayay tahay Dowladduna in iyada oo xirtay Goobaha waxbarashada, lagana digay Masaajidda ka hortagga Coronavirus awgiis, aanay war Facebook lagu qoray ka dudin oo dartiis aanay Tifatire ugu ridin Xabsiga Dhexe.

Talada aanay ii dirsan ee Dowladda aan u ugu deeqayo waxay tahay in aanay jirin Dowlad isku heli karta in ay Dimuqraaddi ahaato iyo in ay weriyayaasha ka nabadgasho ugana adkaato xabsi aan Maxkamad lahayn iyo cagajugleyn aan xataa dedneyn ee daalacan.

Saxaafad waxay ku dhisan tahay aamminaad. Haddii ay war been ah ka sheegto, sida ugu wanaagsan ee looga adkaado waa in aad caddeyso in aan warkeedu run ahayn, taas oo dhaawaceysa kalsoonida iyaga lagu qabo, ka badan inta uu xabsi u dhimi karo.

Maaddaama aan loo socon in la laalo Xeerarka Dimuqraaddiyadda iyo xorriyatul qowlka Dastuurka ku asteysan oo ay tahay in loo hoggaansanaado, waa khasab in ay Dowladdu barato hab ay ugu gegsato si ay ula noolaato qaniinyada saxaafadda middii aan dalka dumineyn.Soomaaliya keliya ma aha.

Jacayl iyo nacayb wada socda ayaa ka dhexeeya saxaafadda iyo Dowladaha Dimuqraaddiga ah sideenna oo kale.

W/Q: Yusuf Garad

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you