Saturday, August 23, 2025

Yuusuf Garaad: “Lama fududeysan karo geerida Almaas Elman & goobta ay xabbaddu ku dishay”

-

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ahna saxafi weyn ayaa soo bandhigay qaabka loo baari karo falkii sababay inay geeriyooto Almaas Elman Cali Axmed oo xabbad kula dhacday gudaha xarunta Xalane ee Muqdisho u geeriyooday 20-kii bishan.

Yuusuf Garaad oo tacsi u diray waalidka marxuumadda, walaalaheed, qoyska iyo saaxiibbadeeda, ayaa dhinaca kale sheegay in Goobtu ay ahayd gudaha xeyndaabka oo lagu tilmaamo in aad loo ilaaliyo. Kana fogeyn dhabbaha ay diyaaraduhu ku rooraan marka ay kacayaan iyo marka ay soo caga dhigtaan iyo waliba hool lagu doortay laba Madaxweyne iyo laba Guddoomiye Baarlamaan.

“Waa lama huraan in la sameeyo baaritaan sax ah, cilmi ku qotoma oo su’aalaha macquulka ah ee taagan u hela jawaabo aan la burin karin. Haddii qalliinka xaqiiqa doonka ah ee geerida dabadeed lagu hayo xagasha ay xabbaddu ka gashay jirka Almas, lana helo joogga ay dhulka ka sarreysay meesha ay xabbaddu uga dhacday. Waxaa fududaaneysa in la helo barta ay xabbaddu dhulka uga dhici lahayd, haddii aanay Almas ku dhici lahayn iyo xagasha ay dhulka la sameyn lahayd..” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo tilmaan ka bixiyey qaabka loo baaro dhacdooyinka noocan oo kale ah.

Wuxuu intaas ku daray in marka intaas la helo, aysan dhib badneyn in qiyaas xisaab ku qotonta lagu soo saaro jihada ay xabbaddu ka timid iyo marinka ay hawada ka soo jeexday halka uu ahaa. Wuxuuna sii raaciyey: “Xabbadda maaddaama la hayo, haddii loo abtiriyo oo la ogaado nooca qoriga ay ka dhacdo, masaafada ay gaari karto iyo xawaaraha ay ku safarto, lana og yahay barta ay dhulka uga dhici lahayd iyo xagasha ay kula dhici lahayd, waxaa fududaaneysa in la garto halka xabbaddaas laga soo riday. Joogga in la soo saaraa ma dhib badna. Waa cabbirka oogada kursiga gaariga ay fuushaneyd uu ka sarreeyo dhulka oo lagu daray jooggeeda fadhiga ah oo ku eg barta ay xabbaddu uga dhacday..”

Tilmaamaha uu bixiyey ayuu ku dooday Yuusuf Garaad inaysa ahayn wax uu iska mala awaalayo ee ay yihiin baaritaan noociisa oo kale caalamka hore loo adeegsaday, wuxuuna qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Marka intaas jawaab loo helo ayaa laga shaqeyn karaa sidii caddaalad loogu heli lahaa marxuumadda, loona xaqiijin lahaa in uu sugan yahay amniga garoonka, kan hoolka doorashada iyo shirarka waaweyn oo la isku halleyn karo”.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you