Sunday, July 20, 2025

Yuusuf Garaad oo Faallo ka qoray Xaflad nooc cusub ah oo lagu xusay sanadguurada 47-aad ee NISA

-

Diblomaasiyiin u badan kuwa shisheeye ee Muqdisho fadhiya iyo madax kale oo badan ayaan shalay ka mid ahaa oo lagu casuumay munaasad ay qabatay hey’adda Qaranka ee Amniga iyo Sirdoonka oo 47 jirsatay.

Munaasabadda waxaa maalin cad lagu qabtay teendhooyin isu wada muuqda oo dhinacyada ka furan oo neecowda badweyntu ay toos ugu soo dhacayso.  Qaar waxaa la dhigay kuraas, kuwo waxaa la dhigay kuraas iyo miisas si loogu qadeeyo, mid waxaa isdaba joog uga socda heeso tiro badan iyo khudbado toban ku dhowaad ah oo sameecado aad u cod dheer ka baxaya.  Roog cagaaran ayaa lagu goglay teendhooyinka iyo marinka isku xira.

Waa xarun ay hey’addu ku leedahay gudaha xeyndaabka gegida dayaaradaha.

Waxyaabaha la xusay waxaa ka mid ah xaaladda adag ee uu ku shaqeeyo guud ahaan ciidanka Soomaaliyeed iyo kan Nabadsugiddu.  Waxaa kale oo la xusay ciidanka naftooda ku waayay iyaga oo howl Qaran fulinaya iyo sidoo kale kuwa ku naafoobay iyo kuwa hadda dhaawaca ah.  Iyo muhiimadda ay Dowladnimada u leedahay in laga kaaftoomo ku tiirsanaanta ciidan shisheeye. Waxaa iyadana talo lagu soo jeediyay in la kala saaro sirdoonka iyo ciidanka lebbisan.

Mas’uul sheegay in uu ka mid ah dadkii hindisay wuxuu fasiray astaanta hey’adda, marka laga reebo sababta ay ugu qoran tahay keliya laba af oo midna aanuu Soomaali ahayn.

Horumar iyo waxqabad wanaagsan oo ay hey’addu ku tallaabsatay ayaa la soo bandhigay.

Waxaa aad loogu mahadceliyay Dowladaha gacanta ka geysta waxqabadka hey’adda.

Goobta iyo agaasinka munaasabaddu waxaa ay ahaayeen kuwo ka ilbaxsan xafladaha laamaha dowladda ee aan arkay oo iyagu inta badan isu wada eg, hal-abuurkuna uu ku yar yahay.

Hal-abuurka munaasabaddu wuxuu ka gaabiyay Heesaha iyo khudbadaha goobta laga jeediyay isu-geyn wakhtiga ay qaateen.  Tiradooda iyo qaarkood nuxur iyo ujeeddadoodu waxaa ay i xusuusiyeen kuwii berigii Kacaanka.

Posted by Yusuf Garaad 

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you