Sunday, February 1, 2026

Yuusuf Garaad oo Faallo ka qoray Xaflad nooc cusub ah oo lagu xusay sanadguurada 47-aad ee NISA

-

Diblomaasiyiin u badan kuwa shisheeye ee Muqdisho fadhiya iyo madax kale oo badan ayaan shalay ka mid ahaa oo lagu casuumay munaasad ay qabatay hey’adda Qaranka ee Amniga iyo Sirdoonka oo 47 jirsatay.

Munaasabadda waxaa maalin cad lagu qabtay teendhooyin isu wada muuqda oo dhinacyada ka furan oo neecowda badweyntu ay toos ugu soo dhacayso.  Qaar waxaa la dhigay kuraas, kuwo waxaa la dhigay kuraas iyo miisas si loogu qadeeyo, mid waxaa isdaba joog uga socda heeso tiro badan iyo khudbado toban ku dhowaad ah oo sameecado aad u cod dheer ka baxaya.  Roog cagaaran ayaa lagu goglay teendhooyinka iyo marinka isku xira.

Waa xarun ay hey’addu ku leedahay gudaha xeyndaabka gegida dayaaradaha.

Waxyaabaha la xusay waxaa ka mid ah xaaladda adag ee uu ku shaqeeyo guud ahaan ciidanka Soomaaliyeed iyo kan Nabadsugiddu.  Waxaa kale oo la xusay ciidanka naftooda ku waayay iyaga oo howl Qaran fulinaya iyo sidoo kale kuwa ku naafoobay iyo kuwa hadda dhaawaca ah.  Iyo muhiimadda ay Dowladnimada u leedahay in laga kaaftoomo ku tiirsanaanta ciidan shisheeye. Waxaa iyadana talo lagu soo jeediyay in la kala saaro sirdoonka iyo ciidanka lebbisan.

Mas’uul sheegay in uu ka mid ah dadkii hindisay wuxuu fasiray astaanta hey’adda, marka laga reebo sababta ay ugu qoran tahay keliya laba af oo midna aanuu Soomaali ahayn.

Horumar iyo waxqabad wanaagsan oo ay hey’addu ku tallaabsatay ayaa la soo bandhigay.

Waxaa aad loogu mahadceliyay Dowladaha gacanta ka geysta waxqabadka hey’adda.

Goobta iyo agaasinka munaasabaddu waxaa ay ahaayeen kuwo ka ilbaxsan xafladaha laamaha dowladda ee aan arkay oo iyagu inta badan isu wada eg, hal-abuurkuna uu ku yar yahay.

Hal-abuurka munaasabaddu wuxuu ka gaabiyay Heesaha iyo khudbadaha goobta laga jeediyay isu-geyn wakhtiga ay qaateen.  Tiradooda iyo qaarkood nuxur iyo ujeeddadoodu waxaa ay i xusuusiyeen kuwii berigii Kacaanka.

Posted by Yusuf Garaad 

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you