Wednesday, July 9, 2025

Yuusuf Garaad: Saacado ayaa ka harsan Go’aanka ICJ ee Berrito [Badda muranka gashay ka weyn baaxadda]

-

Muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya waa mid aad u muhiim ah.  Waxay labada dal isku haystaan bad uu bedkeedu yahay 142,000 km oo laba jibbaaran.  Waa bed ka baaxad weyn dhulka Somaliland oo dhan.

Waxaana la rumeysan yahay aagga badweynta India ee ay Soomaaliya iyo Kenya ay lahaashaheeda ku muransan yihiin in uu ku jiro kheyraad badan oo dabiici ah oo uu ka mid yahay shidaal.

Berri ayay magaalada Hague, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu (ICJ) ku dhawaaqi doontaa go’aanka ay ka gaartay diidmada hordhaca ah ee Kenya ee ku saabsan dacwadda Soomaaliya ay ku dalbeyso in la cayimo soohdinta badeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya ayaa dacwadda u gudbisay Maxkamadda ICJ sannadkii 2014.  Kenya waxay iyaduna Maxkamadda u gudbisay diidmo ay dooneyso in ay Maxkamadda ka hor istaagto in ay qaaddo dacwadda.

Kenya waxaa ay cuskatay is afgarad ay la gaartay Soomaaliya 2009 oo waxyaabaha ku qoran ay ka mid tahay in ay labada dal ka wadahadlaan wixii khilaaf ah ee ka jira soohdinta badda.

Soomaaliya waxaa ay ku doodday in ay labada dowladood ay ka wadahadleen khilaafkan, ayna ku fashilmeen in ay xal ka gaaraan soohdinta.

Maxkamadda ICJ waxay bishii September 2016 dhegeysatay doodaha Qareennada Caalamiga ah ee matalaya labada Dowladood.

Berri galab saacaddu marka ay tahay 5-ta Galabnimo wakhtiga Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda ICJ, Ronny Abraham, uu ku dhawaaqi doonaa go’aanka Maxkamadda.

Sida Soomaaliya ay dooneyso, haddii ay Maxkamaddu go’aan ku gaarto in ay dacwaddan hadda gasho waxay noqon doontaa in Kenya la siiyo wakhti ay ku diyaariso waxa ay isaga daafaceyso kiiska ay Soomaaliya ku oogtay Kenya.

Markaasna la galo dhegeysiga dacwadda, taas oo wakhti dheer qaadan doonta.

Sida ay Kenya dalbeyso, haddii ay Maxkamaddu go’aan ku gaarto in aanay dacwaddan furi doonin, waxay noqoneysaa in Soomaaliya ay dacwaddeeda dib ula soo noqoto oo markaas ay wadahadal la furto Kenya.

Ergada Soomaaliya

Berrito waxaa goob joog ka ahaan doona Hague, wafdi Soomaaliya ah oo uu hoggaaminayo Xeer Ialaaliyaha Axmed Cali Daahir,  Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Brussels, Dr. Cali Faqi oo isagu ah wakiilka Soomaaliya ee dacwadda ayna wehliyaan Danjirayaal dhowr ah iyo Muna Sharmaan oo ah Qareen Soomaaliyeed oo dacwaddan billowgeedii ilaa iyo hadda gacanta ku haysa sumcadna uga kasbatay Soomaali badan.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ):

ICJ waa mid ka mid ah Hey’adaha Qarammada Midoobay.  1945 ayaa la unkay.  Waxaa ay ku saleysan tahay Axdiga Qarammada Midoobay.  Xarunteedu waa Hague, dalka Netherlands.  Waxaa ay ka kooban tahay 15 Garsoore oo midkiiba 9 sano ay xilka u doortaan Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo ay xubno ka yihiin 193 dal iyo Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo ay xubno ka yihiin 15 dal.  Garsoore kastaa waa in uu helaa aqlabiyadda codadka labada Gole si uu xilka u qabto ama uu u sii hayo.

Markaa Garsoore kasta oo ka tirsan ICJ wuxuu u baahan yahay codadka Dowladaha xubnaha ka ah Qarammada Midoobay.

Hadda waxaa Guddoomiye u ah Ronny Abraham oo dhalashadiisu ay tahay Faransiis kuna dhashay magaalada Alaxendria ee dalka Masar.  Guddoomiye ku Xigeenka ICJ waa Cabdiqawi Yusuf oo ah Soomaali.

Posted by Yusuf Garaad 

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you