Friday, July 4, 2025

10 Qodob oo Muwaadiniinta ka doonayaan (Farmaajo & Kheyre) inay ka jawaabaan kahor Doorashada 2020/21

-


Maanta oo ku beegan 28-ka Sebtembar waxaa dunida laga maamuusaa Maalinta Caalamiga ah ee Helitaanka Macluumaadka Guud.

Qodobka 32-aad ee Dastuurka Soomaaliya (Faqradiisa 2 iyo 3) waxay caddeynayaan helitaanka macluumaadka ay Dowladdu heyso ama xogta helitaankeeda loogu baahan yahay in xuquuq muwaadin lagu ilaaliyo.

Sidaas darteed, iyadoo dalku u jiheysanayo doorasho 2020/21 waxaa muhiim ah in madaxda Dowladda ee hadda xilka haya (Madaxweyne Farmaajo, wasiiradda iyo xildhibaannada) ama kuwa ka tagay (RW Hore Xasan Cali Kheyre) inay dadweynaha Soomaaliyeed u soo bandhigaan arrimahan:

1) Baydhabo: Dilkii 15 ruux oo shacab ah oo uu ku jiray wiil yar ee dhacay Disembar 2018.

2) Gaalkayo/Muqdisho: Qabashadii iyo dhiibistii Cabdikariin Qalbi-Dhagax ee Agoosto 2017.

3) Heshiiskii 16ka qodob ka koobnaa ee Dowladda Soomaaliya la gashay Itoobiya bishii Juun 2018 ee ay ku jirtay afarta dekedood.

4) Jawaari: Ridistii Afhayeenkii Hore ee Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ee dhacday bishii Abriil 2018.

5) Faragelinta ciidamada Itoobiya ee doorashooyinkii Maamul Gobolleedyada 2018.

6) Baaritaankii qaraxii Soobe ee Oktoobar 2017.

7) Baaritaankii dilkii Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir AUN Injineer Yariisow ee Luulyo 2019.

8) Heshiisyada Eritrea iyo Soomaaliya ee ku lamaansanaa heshiisyadii loo bixiyay “Isdhexgalka Geeska Afrika” ee 2018.

9) Sababihii keenay dib u dhigista dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kiinya 2019 – 2020.

10) Baaritaanka dilkii 8 dhakhtar ee ka dhacay tuulada Gololey bishii May 2020.

W/Q: Cabdalle Axmed Muumin

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you