Ra’iisul wasaare Xamza oo sii wada xilal u kala bedelista Xubnaha Golaha Wasiirada

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa kala bedel kooban ku samaeeyay laba xubnood oo wasiir ku-xigeenno ah, kana tirsanaa xukuumaddiisa.

Ra’iisul Wasaaraha o ayaa xilalka isu kala warjeejiyay labo xubnood oo kala ah:

1- Mudane Idiris Cismaan Xaaji Cali waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada XJFS

2- Mudane Xuseen Cali Xaaji waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XJFS.

Arrintan ayaa la sheegay inay sababtay xilal kala wareejintii Cali Ifiye Cali oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo Marwo Maryan Cali Abuukar oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.

Sidoo kale waxaa isna xilka Wasiirka Gaashaandhigga laga qaaday Axmed Macallin Fiqi iyadoo loo magacaabay, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Tallaabooyinkan ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo xooggan oo ka dhalatay khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka, iyada oo xalay Golaha Wasiiradu ay meel-mariyeen Hindise-Sharciyeedka wax ka beddelka Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda iyo wax ka beddel lagu sameeyay Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Lr.28 Nofeembar 2024.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON