Wararka laga helayo Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ay is afgarad ku gaareen dalka Imaaraadka Carabta.
Xogta la helay ayaa sheegeysa inlabada hoggaamiye isfaham ah ka gaareen khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii Soomaaliya 2022, ayna ku ballameen wadahadallo dheeraad ah inay ku yeeshaan magaalada Nairobi oo ay kusii jeedaan, shirar kalena ku yeelan doonaan.
Heshiiska Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa la sheegay inuu yimid markii ay culeys ku saartay dowladda Imaaraadka Carabta, oo dadaal xoog leh ugu jirta sidii ay u mideyn lahayd Mucaaradka madaxweyne Xasan Sheekh Doorashada soo socota ee Soomaaliya.
Imaaraadka ayaa caan ku ah in sanadka ugu dambeeya ee muddo xileed kasta ee madaxda dowladda federaalka ay gudaha dalka soo geliyaan dhaqaale badan, faro-gelin siyaasadeed oo toos ah iyo fulinta go’aano cuuryaaminaya dowladnimada Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in magaalada Nairobi ay dhowaan tegi doonaan qaar ka mida madaxda mucaaradka ee ku shirsan Muqdisho, kadibna la dejin doono qorshe mideysan oo looga horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh.