Wednesday, June 25, 2025

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga horjeedo siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh ee Doorashada iyo Dagaalka Alshabaab.

Warkan asalkiisa waxaa laga soo qaatay Warbixin uu dhowaan qoray Wargeyska ‘Washington Post’ ayaan ahayn mowqif rasmi ah oo Xafiiska Madaxweynaha Mareykanka kasoo baxay ama afhayeenka iyo mas’uuliyiinta maamulka Trump ay shaaciyeen.

Sida warka loo dhigay waxaa laga soo xigtay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay Aqalka Cad, balse aan magaciisa la sheegin, kaasoo weriye ka tirsan Wargeyska u sheegay in Maraykanka uu muujiyay walaac ku saabsan siyaasadda uu ku socdo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xaqiiqo ahaan ma aha warkaasi mid caddeyn leh, marka laga reebo qoraal kooban oo waaxda arrimaha dibadda Mareykanka dhowaan uga jawaabtay go’aanadii madasha Wadatashiga Qaran soo saartay, kuna caddeysay in go’aan kasta oo loo dhammeyn aanu heysan sharciyad, haddana mamulka Trump uma muuqdo mid muhiimad weyn siinaya Afika.

Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay dowladda Soomaaliya ka taageeraan ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga, mashaariic kala duwan iyo taageerada Bani’aadamnimo, balse waxaa xilligan u dhaxeeya khilaaf keenay inuu mugdi ku jiro dhaqaalihii la siin jiray ciidamada ciidamada AUSSOM.

Maamulka cusub ee Trump oo muddo xilkeedkiisii hore Soomaaliya kala baxay ciidamadii ka joogay, waxaa markii dib loo doortay suuqa la soo geliyay in la xirayo inta badan safaaradaha uu Afrika ku leeyahay Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay, taasoo uu beeniyay wasiirka arrimaha dibadda.

Sidoo kale waxaa la faafiyay warar ku saabsan inuu Mareykanku Muqdisho kala baxay Diblomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Safaaradiisa Mareykanka, waxaana warkan beenisay isla safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. 

Inkastoo Mareykanku heshiis iyo siyaasad loo dhan yahay oo Soomaalidu gaarto iyo xoojinta dagaalka Alshabaab, haddana wararka sida weyn loo faafiyay ee ah inay hoos u dhacday kalsoonida Maraykanku u hayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay u badan tahay inay tahay olole siyaasadeed oo dhinacyo kala duwan ay saxaafadda caalamiga ah u adeegsanayaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON