Afti guud oo maanta ka dhaceysa dalka Turkiga ayaa lagu go’aaminayaa inuu dalkaasi ka guuro nidaamka Baarlamaaniga ah ee uu ku dhaqmo una wareego nidaam madaxweynaha toos loo doorto oo awood badan leeyahay.
Ololaha doorashada oo xiisad gaara lahayd ayaa keenta inay ku dhacaan Turkiga iyo dowlaha Yurub, waxaana dalkaasi uu ku jiray olole aan hore loo arag oo si weyn dadweynaha u kala qeybiyay.
Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa laga yaabaa inuu dalkiisa sii xukumo ilaa sanadka 2029-ka, haddii ay dhacdo in ‘HAA’ loogu codeeyo aftida maanta.
Arrintan ayaa ka dambeysay isbedel la soo jeediyay in lagu sameeyo Dastuurka dalka Turkiga oo lagu kordhinayo awoodaha madaxweynaha dalkaasi oo Baarlamaanka dalkaasi uu ogolaaday kadibna loo qaadayo afti dadweyne.
Arrintan oo mucaaradka Ordogan ay ku tilmaameen kelitalisnimo la xalaaleysanayo ayuu ku dooday madaxweynaha Turkiga inay keeni doono xasilooni siyaasadeed, loogana badbaadi doono xukuumadihii taagta darnaa ee dalkaasi soo maray.
Haddii la sharciyeeyo isbedelada la soo jeediyay in lagu sameeyo Dastuurka Turkiga wuxuu siinayaa madaxweyne Ordogan inuu sii xukumi karo dalkaasi ilaa sanadka 2029, waxaana u furan inuu is sharxo laba mar oo kale.
Aftida maanta ayaa keeneysa in wax laga bedelo 11 qodob oo awood u siinaya madaxweynaha inuu xaalad degdeg ku soo rogo dalka, inuu wareegtooyin soo saaro, inuu magacaabo wasiirada iyo madaxda sare ee dalka iyo inuu kala diro Baarlamaanka dalkaasi.
Dad badan ayaa u arka madaxweyne Ordogan Turkiga horumar dhaqaale gaarsiiyay uu markan talada isku sii dhejinayo oo dimoqraadiyadda dalkaasi ciriiri geli doonto, dadka qaarkii ayaa ku doodaya inay kala dooranayaan Dimoqraadiyad iyo Ordogan.
Goobjooge.com