Ra’iisal wasaare  Xasan Cali Kheyre magacaabiddiisa lama filaanka ahayd iyo taariikhdiisa nololeed ka sokow wuxuu leeyahay taariikh siyaasadeed oo yaab leh.
Xasan Cali Kheyre inkastoo aanu siyaasi soo ahayn, wuxuu awooday inuu la shaqeeyo lana saaxiibo inta badan madaxda Soomaalida iyo dalalka deriska intii uu ku soo dhex jiray shaqada samafalka oo uu madxa ka ahaa Hay’adda Qaxootiga ee Norway NRC iyo Shirkada Soma Oil and Gas.
LIISKA MADAXDA SOOMAALIDA & SIYAASIYIINTA EE XASAN KHEYRE SAAXIIBADA LA YAHAY WAXAA KA MIDA:
1-Â Xasan Sheekh Maxamuud
2- Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke
3- Shariif Xasan Sheekh Aadan
4- C/kariin Xuseen Guuleed
5- Faarax Sheekh C/qaadir
6- C/raxmaan Odowaa
Dalalka deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya ayaa la sheegay inuu sidoo kale xiriir fiican la leeyahay, iyadoo siyaasigii ugu danbeeyay ee ay is barteen uu noqday Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo saacado kooban gudahood ugu magacaabay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Xasan Cali Kheyre ayaa lagu tilmaamaa shaqsi ahaan nin shaqo badan oo hal abuur leh, isla markaana ay dhowdahay inuu caroodo, waana arrin ka maqneyd ra’iisal wasaareyaashii hore ee xilka soo qabtay.
Goobjooge.com