Thursday, June 26, 2025

Alshabaab oo War kasoo saartay Qarixii Is-miidaaminta ee lagu dilay Sarkaal ka tiran NISA

Alshabaab ayaa war kasoo saartay Qarax is-miidaamin ah oo maana ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa NISA.

War kasoo baxay Al-shabaab ayey ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, iyadoo intaas ku dartay in lagu dilay taliye sare oo ka tirsanaa sirdoonka dowladda iyo ciidamo ilaalo u ah. Qoraalka ayaa lagu sheegay in dabley ka tirsan Alshabaab ay weerar ay ka fuliyeen Black Sea, kuna dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa sirdoonka NISA iyo 2 askari oo ilaalo u ahaa.

Alshabaab ma sheegin magaca sarkaalka ay beegsatay, mana bixin faahfaahin kale, iyadoo wararku ay sheegeen in sarkaalka uu ahaa xubnaha hore uga soo goostay Alshabaab, laguna magacabi jiray Caanogeel.

Faahfaahin: Haweeney Qarax Is-miidaamin ah ku khaarijisay Sarkaal muhiim ah oo ka tirsanaa NISA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu danbeeyay