Waxaa goor dhoweyd ka bilowday magaalada Qudus xafladda furitaanka Safaaradda Mareykanka ee loo soo raray Qunsuliyada Mareykanka ee magaalada Qudus, iyadoo ay barbar socdaan bannaanbaxyo waaweyn oo Marinka Gaza ka socda, kuwaasoo lagu dilay in ku dhow 40 qof.
43 qof oo Falatiiniyiin ah oo laba ka mida ay caruur yihiin, ayaa ku dhintay rasaas ay ku fureen ciidammada Yuhuuda kadib bannanbaxyo waaweyn oo ay ka oogeen Marinka Gaza, taaso noqotay maalntii ugu dhiig daadiska badnaa, waxaana lagu dhaawacay in ka badan 1800 oo qof.
Bannaanbaxyada dadka Falastiin ayaa looga horjeeda furitaanka magaalada Qudus ee safaarada Maryekanka, taaso ka caraysiiyay shacabka Falastiiniyiinta iyo dadka muslimiinta ah.
Israa’iil waxay sheegtay in dibadbaxyaashu ay burburinayaan xayndaabka xadka, isla markaana qaarkood ay miinooyin aasayeen, laakiin dadka kumanaanka ah ee bannaanbaxaya ayaa waxaa si cad u muuqatay inay ciidamada Yuhuuda rasaas ku fureen.
Dadka maanta lagu dilay dibadbaxyada waxaa kamid ah carruur halka in ka badan 1000 qof ay ku dhawaacmeen.sida ay sheegtay laan arrimaha caafimadka ka shaqayso oo taabacsan kooxda Xamaas.
Ciidammada Israa’iil waxay sheegeen in 35000 oo Falastiniyiin ah ay ka qayb qaadanayeen dibadbaxyada gaar ahaan deegaannada xadka ah halkaaso ay ciidammadooda ka howlgalayeen.