Bannaanbax hadda ka socda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

0

Bannaanbax  lagu taageerayo xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyrre aya maanta ka socda magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qabanqaabiyay dibaxbaxaa oo ujeedkiisu yahay in lagu taageero xukuumadda cusub oo mucaarad ka soo wajahay Baarlamaanka.

Dadweyne laga soo ururiyay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la isugu geeyay Taaladda Daljirka Daahsoon, halkaasoo mas’uuliyiinta gobolka Banaadir ay kula hadli doonaan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa howshiisa ugu weyn ay noqotay abaabulka bannaanaaxyo noocan oo kale ah, xilli la saadaalinayo in guddoomiye Yuusuf  Xuseen Jimcaale xilka ku weyn doono awood qeybsiga xukuumadda cusub.

Goobjooge.com