Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa socdaal rasmi ah oo 9 maalmood qaadanaya ku tegay dalka Indonesia iyadoo socdaalkiisu soo jiitay saxaafadda caalamka.
Boqor Salmaan oo ku caan baxay in safaraddiisa ay noqdaan kuwo aad u culus oo dad fara badan ay ku wehliyaan ayaa booqashadiisa dalka Indonesia oo ah dalka ugu dad badan dunida muslimka ayaa noqoneya tii ugu horeysay oo muddo 46 sanadood ah oo boqor Sacuudiga ka socda uu booqdo dalkaasi.
Boqorka waxaa la socda xamuul culeyskiisu gaarayo 459 tan oo ay ka mid yihiin baabuurta madaxda ee qaaliga ah nooca Mercedes-Benz S600 iyo wiishash, waxaana daabulka xamuulkaasi qandaraas ku qaadatay shirkadda PT Jasa Angkasa Semesta (JAS), iyadoo u diyaarisay shaqaale dhan 572 qof.
Dadka la socda boqorka Sacuudiga booqashadiisa dalka Indonesia waxay gaarayaan 1500 qof oo ay ka mid yihiin 10 wasiir, 25 Amiir iyo ugu yaraan 100 ka mida ilaalada gaarka ah ee Boqor Salmaan.
Hore ayuu Boqorka Sacuudiga booqasho muran dhalisay ugu tegay dalalka Mareykanka iyo Faransiiska. Socdaalkiisi Mareykanka wuxuu kireysay gebi ahaan hotel ka kooban 222 qof sanadkii 2015, isla sanadkaasina waxaa isaga iyo 1000 qof oo la socday loo xiray xeebta weyn ee Riveira dalka Faransiiska arrimo gaara iyo ammaankiida dartiis.
Magaalada loo dalxiisa tago ee dalka Indonesia ugu caansan, loona yaqaan Bali ayaa boqorka Sacuudiga la sheegay inuu degi doono, halkaasoo waqti badan ku qaadan isagoo wadahadallo xiriirka labada dal la yeelan doona madaxda dalkaasi.
Wakaalado/Goobjooge.com