Monday, July 14, 2025

Cali C/llaahi Cosoble oo Jawaab dhulka la jartay u diray C/llaahi Goodax (Akhriso Qormo xasaasi ah)

-

Somalida ma jecla run sheeg oo waxey tiraahdaa run sheeg waa ceeb sheeg. Cabdullahi Godax Barre xilligii Mad Xasan Shekh Maxamud wuxuu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka wexeyna aheyd xilligii la dhisaayay dowlad goboleedyada.

Cabdullahi Godax wuxuu diiday inuu xataa qaabilo odayaal Xawaadle oo ka yimid Jubbooyinka ujeedkoodana uu ahaa inuu ku garab siiyo siduu Xawaadle uga heli lahaa kuraas baarlamaan maamulkii halkaa laga dhisaayay, wexeyna aheyd xilli la oggolaaday dhismihii maamulkaa. Raggii intii dhimatay maahee qaarkood waa nool yihiin weyna joogaan.

Xilligii uu socday dhismaha baarlamaanka Koonfur Galbeed ayey rag Xawaadle ah is abaabuleen wexeyna u tageen Shariif Xasan oo ahaa madaxweynaha. Wexey kala hadleen inuusan Xawaadle waayin xaqa uu ku leeyahay Koonfur Galbeed. Shariif Xasan wuxuu ku yiri raggii Xawaadle ee u tagay “Goodax ayaa ah wasiirka arrimaha gudaha, asaga ayaana qoray guddiga odayaasha soo dhisaya baarlamaanka KG ee Murusade iyo Habar Gidirba wuu soo qoray ee Xawaadlana ha ku soo daro si aad xaqiina u heshaan”.

Raggii haddey la kulmeen Cabdullahi Godax wuxuu ugu jawaabay “danihiina raacda howsheydana ha soo faragashanina”. Raggii waa joogaan.Xasan Shekh ayaa annagoo koox siyaasiyiin ah iyo Godax oo ah wasiirkii noogu yeeray dhismaha labada gobol ee Hiiraan iyo Sh Dhexe, wuxuuna nagu yiri “abtiyaal dalka wuxuu qaatay nidaam federaal ah, qalinkii adinka ayaan idiin dhiibay ee dhisa maamulka labada gobol, wixii caqabad ah ee idinka hor yimaadana anaa xallinaa”.

Godax oo qoonsaday aniga iyo rag kale oo meesha joogay ayaa markaan soo baxnay wuxuu toos noogu yiri dhici meyso mana oggoli in maamulkaas la sameeyo. Aniga ayaa u jawaabay oo ku dhahay adigoo wasiirkii Arrimaha Gudaha ah ayaad Xawaadle ka reebtay dhismihii Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, haddana waxaad leedahay Jowhar oo aan si mug leh u degno waxba kuma darsaneyno ee ma waxaad rabtaa Xawaadle inaad ku soo koobto Hiiraan? Kama uusan jawaabin ee wuu naga dhaqaaqay. Raggii wey joogaan.

Markey u soo baxday inuusan hor istaagi karin dhismaha labada gobol ee Hiiraan iyo Sh Dhexe anigana aan meeshaa ka daneynayo kursiga u sarreeya ayuu maalinkii dambe kaxeystay rag ka mid ah xildhibaannada Xawaadle wexeyna u tageen nin Abgaal ah oo uu ku jiray damac inuu dowlad goboleedka ka noqdo madaxweyne, wexeyna kula heshiiyeen iney ka dhigayaan madaxweynaha ayagana ay rabaan inuu Xawaadle uga dambeeyo, ninkii madaxeeyne doonka ahaana wuu aqbalay.

Kaddib wexey u tageen Xasan Sh Maxamuud wexeyna u sheegeen iney diyaar u yihiin iney taageeraan maamul sameynta labada gobol hadduu fuliyo shuruuddooda oo ah inuu wareegto ku soo saaro iney gogosha taal Jowhar, caasimaddana tahay Buulo burte ayadoo ay ujeeddadooda tahay in haddii Hiiraan wareegto lagu siiyay caasimadda iney Abgaalna soo istaagi doonaan iney ayagana leeyihiin madaxweynaha. Xildhibaanadii waxaa kala shaqeeyay wey joogaan.

Cabdullahi Godax maadaama uu ka shaqeeyay inuu Abgaal qaato madaxweynaha wuxuu damac ka galay inuu asagana qaato madaxweyne ku xigeenka waxaana caddeyn ah inuu Jowhar muddo Saddex bilood ah kireystay hotel halkaa ku yaalla oo ay leeyihiin reer Cabdulle Ciyow, waana la xaqiijin karaa.

Haddeysan aheyn lugooyada uu Goodax ku sameeynaayay Xawaadle saacaddaan Xawaadle wuxuu kuraas qiima leh ku lahaan lahaa Jubbaland iyo koonfur Galbeed, caasimadda Hirshabeelle wexey ahaan laheyd B/weyne wexeyna ku imaan laheyd heshiis ee dekreto laguma soo saareen, madaxweyne aan la isku heysanna waxaa ahaan lahaa Xawaadle.

Carabta ayaa la yiraah intey ku nabto ayey nabigana kaaga hor martaa.Waxaan aad uga xumahay kuwa aan warka halkaan ku qoran akhrin doonin, xaqiiqdana aan daba geli doonin ee lacagta ku qaata iney facebook nagu aflagaadeeyaan.

W/Q: Cali C/llaahi Cosoble
Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you