Weriye Cali Ducaale oo ka mida xirfadlayaasha saxaafadda ee dhinaca sawirrada ayaa xil looga magacaabay madaxtooyada Villa Somalia.
Weriyahan oo ku caanbaxay sawirrada ayaa muddooyinkii  danbe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa muuqaallo qurux badan hore uga soo qaadaya magaalooyinka dalka, waxaana markii dambe loo geeyay musharax Farmaajo.
Cali Ducaale ayaa ku danbeeyay Madaxtooyada, isgoo hadda uu noqday sawir qaadaha madaxweynaha Soomaaliya, taasoo caddeyn u ah isbedelka weyn ee ka dhacay Villa Somalia oo shaqaalihii hoose saameynta ku yeeshay.
Sawirqaadaha ayaa iminka la socda wafdiga madaxweyne Farmaajo ee booqanaya Sacuudiga, waxaana warkan shaaciyay saaxiibadiis ay kasoo wada jeedaan Puntland, kuwasoo uu ku soo wargeliyay magacaabidda xilka sawir-qaadaha Madaxweynaha Soomaaliya.
Goobjooge.com