Ciidamo Boolis ah oo hoos yimaada taliska Booliska Gobolka ayaa la wareegay ammaanka xarunta Gobolka Banaadir.
Ciidamada Booliska ayaa markii ugu horeysay bedelaya ciidamo milateri ah oo hore ilaalo uga ahaa xarunta looga arrimiyo gobolka Banaadir, ee degmada Xamarweyne ku taalla, iyadoo uu taliye u soo magacaabay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Taliyaha ciidamada ilaalada xarunta Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Dhamme Ahmed Baashane oo ka mida saraakiisha booliska ee Gobolka Banaadir ugu dhaqdhaqaaqa badan, si weyn loogu yaqaan baraha bulshada.
Tallaabadan ayaa bedeleysa ciidamada Milateriga ee ilaalin jiraay xarunta Gobolka Banaadir, kuwaasoo ahaa ciidamo uu qortaan guddoomiyeyaasha Gobolka oo qaab beeleed ku yimaada.
Madaxda dowladda sida wasiirada, ku xigeenada, agaasimeyaasha iyo guddoomiyeyaasha kala duwan ayaa waxaa ilaalo u ah askar reerahooda ah oo ay kasoo kaxeysteen meelo kala duwan, kuwaasoo ammaandarro weyn ku haya caasimadda.
Goobjooge.com