Friday, April 19, 2024

C/kariin Guuleed oo Qoraal kulul ku difaacay Sheekh Nuur Baaruud [Akhriso]

-

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Guuleed ayaa si weyn u difaacay Sheekh Nuur Baaruud oo xildhibaano iyo dad ku kacsan xukuumadda Soomaaliya ay si weyn ugu weerarreen hadallo uu ka jeediyay xaflad ka dhacay xarunta Booliska Muqdisho.

C/kariin Guuleed oo tan iyo intii uu xilka hoggaanka Galmudug iska casilay ayaa shaqsi ku firfircoon baraha bulshada ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada uga hadlay aragtidiisa, wuxuuna ku baahay in Sheekha laga leexdo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA C/KARIIN GUULEED

Sheekh Nuur Baaruud oo ah Caalim Cimrigiisa ku soo dhameystay Fidinta Diinta iyo Garab istaagga Umadda hadalka uu jeediyey uma maleynayo inuu ahaa hadal uu cid gaar ah ku taageerayey cid gaar ahna uu kaga soo horjeeday sidaas markaan leeyahay waxaan eegayaa aqoonta dheer ee aan Sheekh Nuur u leeyahay iyo Mowqifyadiisii Marxaladihii la soo maray tusaale ahaan:

- Advertisement -

  1. Xiligii Kacaankii Maxamed Siyaad Barre Waxuu ka mid ahaa Sheekhu dadkii hor istaagay oo si cad oo aan dhuumasho laheyn uga horyimid Siyaasadahii qaldana ee Kacaanka xili waliba aan lagu dhicin in lagu dhiirado Kacaankaas, asagoo ku muteysyay in lagu xukumo DIL TOOGASHO AH.
  2. Xiligii Hogaamiye Kooxeedyada waxuu ka mid ahaa Sheekh Nuur dadkii Calanka u siday wax ka badalka Xaaladaas.
  3. Xiligii Maamulkii Cabdulaahi Yuusuf Sheekhu sidoo kale waxuu ahaa dadkii sida Cad oga hor yimid soo galinta Ciidamadii Itoobiyo gudaha Dalka Soomaaliya, waxuu ka mid ahaa Culumadii Muqaawamada iyo Kacdoonka Bulsho hogaaminaysay.
  4. Xiliyadii Maamulkii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh sidoo kale Sheekhu had iyo jeer waxuu sheegi jiray waxa uu u arko inay sax tahay asagoon cidna ugu aabo yeelaynin waxaana u maleynayaa in aad loo wada xusuusto hadlkii uu Sheekhu ka yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh hortiisa oo ahaa ” Madaxweyne Doorashadaada iyo Doogaaga Masuuliinta ayaa xun”.

Waxaana hubaa dad maanta Sheekha arinkan ku dhaleecaynaya inay maalintaa kale u riyaaqsanaayen hadalkiisa.

Haddaba Sheekh Nuur Baaruud waa qofkaas ee ma Shalay ayuu qaldanaa mase Maanta, waxaan u arkaa in mar kasta waxa uu sax u arko qof sheego uu ahaa, tan haddana sidaa ayey ila tahay Waxaana hubaa in haddii uu Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu qalad ku arkana uu tilmaamayo fartana ku fiiqayo.

Marka Sheekha ha laga xishoodo hana laga leexdo, mana filaayo inuu Dastuur meel oga dhacay Xildhibaanada Sharafta lehna u gafay.

W/Q: C/kariin Xuseen Guuleed

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliyihii Ciidamada Cirka Kenya iyo Saraakiil Sare oo ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed

Taliyihii ciidmada Cirka dalka Kenya ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday kadib markii ay burburtay Diyaarad Helikobatar ah oo uu saarnaa gudaha Kenya.Madaxweynaha dalka...

Ciidamada Amniga Dowladda Somaliya oo xiray Weriye caan ka ah Baraha Bulshada

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray Weriye ka mida kuwa baraha bulshada oo si weyn uga hadla xaaladda ciidamada dowladda iyo dhibaatooyinka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir ugu yeeray Siciid Deni iyo madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan iskugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada, kadib casuumaad qoraal ah oo uu u kala diray.Madaxweynaha ayaa casuumaadda kulanka...

Askari laba Qof ku dilay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin laga helay Sababta

Nin hubeysan oo la sheegay inuu ka mid yahay askarta dowladda, isla markaana ku lebisnaa Dareyska ciidamada ayaa maanta xaalad ka tirsan degmada Dayniile...

Dagaal ka dhex qarxay Ciidamada Amxaarada iyo kuwa Tigreega ee dalka Itoobiya

Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in inuu dagaal ka dhex qarxay ciidamada kala taabacsan maamullada Amxaaradda iyo Tigreega.Dagaalka maleeshiyooyinka Amxaarada iyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Askarigii lagu arko inuu Balwad leeyahay waa iska tegayaa”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray Dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneraal Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneraal Daa’uud, isgoo la dardaarmay ciidamo dagaalka...

Xeer ilaalinta oo Baaris ku bilowday Akoono lagu furtay Magaca ururka Saxafiyiinta SJS

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa shegeya inuu Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyey maanta warbixin baaris, xayiraad iyo fatashaad la xiriirta oo ku sabasn...

XOGAHA QARSOON

XOG: Qorsheyaasha uu xambaarsan yahay Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sodaal shaqo ku gaaray maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya.Socdaalka Xasan Sheekh ee dalka Kenya ayey madaxtooyada Soomaaliya...

XOG: Qodobadda Madaxweyne Xasan Sheekh ka tanaasulay & Qodobka uu ku tiirsan yahay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo olole ugu jiray dhammeystirka Dastuurka KMG ah ayaa ka tanaasulay laba Qodob oo xasaasi ahaa, kana mid ahaa...

XOG: Khilaaf ka dhashay Nuqulka ugu danbeeya ee la ansixinayo 4-ta cutub Dastuurka Cusub

Kulankii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya ee la filayay in maanta lagu ansixiyo 4 cusub oo ka mida Dastuurka KMG ah ayaa dib...

Tegista Farmajo ee Garowe iyo Isbaheysiga cusub ee Mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh

Iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee wax ka bedelak Dastuurka ayaa waxaa soo baxaya dadaaladii ugu danbeeyay ee dhinacyada iska horjeeda.Madaxweynihii hore Maxamed...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you