Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayin Erdogan ayaa si weyn oo diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Dooxa ee dalka Qadar.
Waxaa Garoonka caalamiga ah ee Xamad uga hortegay Amiirka Qatar Tamiin Bin Xamad Althani, waxaana ka muuqatay farxad weyn xilligii uu soo dhoweynayay Madaxweynaha Turkiga.
Turkiga ayaa si weyn u barbar istaagay dalka Qatar, waxaana uu noqday dalka ugu weyn ee xiriirka dhaqaale iyo milateri la leh markii ay xayiraadda saareen dalalka Khaliijka.
Madaxweynaha Turkiga ayaa goor dhoweyd soo gabagabeeyay socdaal dhexdhexaadin ah oo uu ku tegay  dalalka Sacuudiga, Kuwait iyo Qatar.