Thursday, June 26, 2025
HomeSomaliDAAWO: Nin 10 maalmood ku sugnaaa Garoonka ay ku cidleysay gabar Shiinees...

DAAWO: Nin 10 maalmood ku sugnaaa Garoonka ay ku cidleysay gabar Shiinees ah

-

Waxaa si weyn loo hadal hayaa sheeko qabsatay nin u dhashay dalka Holland oo u safray dalka Shiinaha si uu ula kulmo gabar uu baraha bulshada ee Internetka ku bartay kadibna ay saaxiibo noqdeen.

Safarkii ninkan oo 41 sano jir ah laguna magacaabo Alexander Pieter Cirk, 41, ayaa ku soo dhamaaday jactad iyo macaluul markii muddo toba maalmood uu sugayay gabadhaasi oo aanay u imaan, kadibna waxaa la dhigay isbitaalka isagoo liita.

Wuxuu tegay gobolka Hunan ee Shiinaha isagoo rajo ka qaba inuu la kulmo gabadhii uu jeclaaday oo magaceeda ugu sheegtay Zhang.

Markii uu maalmahaas oo dhan ku sugnaa garoonka Changsha airport, waxaana iska yareyd cid xaaladiisa u damqatay ama caawisay.


Warbaahinta Shiinaha ayuu u sheegay inuu gabadhaasi kula kulmay khadka laba bilood ka hor ayna dhex martay qiso jaceyl, isagoo go’aansaday inuu la kulmo, laakiin markii magaaladeedii ka degay ayuu waayay cid u timaada.

Alexander Pieter Cirk wuxuu diiday inuu ka tago garoonka diyaaradaha magaalada Hunun, waxaana ku dhacay taagdarro iyo xaaladiisa caafimaad oo liidata iyadoo la dhigay isbitaalka sida uu soo weriyay telefishanka Hunan.

Gabadhii saaxiibka la ahayd ninkaasi ee Zhang ayaa la soo xiriirtay Telefishanka iyadoo sheegtay inuu la kaftamayo.

“Xiriirkeena jaceyl hore ayuu u socday, laakiin markii danbe wuxuu u muuqday  inuusan dan iga lahayn: ayay tiri gabadhaasi oo sii raacisay inuu mar tusiyay tikidh diyaarad, laakin aan kadib la xiriirin, waxayna cudurdaar ka dhigatay in markii uu garoonka joogay ay iyaduna ku maqneyd gobol kale oo ay qaliin u aaday telefoonkeeduna uu dansanaa.

Image result for Alexander Pieter Cirk

Mr. Cirk ayaa ku adkeynaya inuu doonayo inuu wado xiriirka gabadhan uu la leeyahay, waxaana lagu wadaa inuu dhowaan dib ugu laabto dalkiisa, marka xaaladiisu ka soo reyso.

Wakaalado