DAAWO SAWIRRO: Xafladii weyneyd ee London & Balanqaadkii Farmaajo & madaxda maamullada

0

AKHRISO Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo ee Xafladii London

“Waxaan rabaa inaan halkan idiinka cadeeyo Soomaali waa midowday, Shacabkeenu waa midoobey, qabiil iyo qurunkiisa waa tuurnay, waxaan rabnaa caawa inaan heshiis halkan ku galno. idinka howl baa qabanaysaan anaguna howl baan qabanaynaa.

Anaguna waxaan ka shaqeyn doonaa Midnimo , dowladd wanaagsan, horumar iyo umadd Soomaaliyeed oo walaalo ah, midnimo waa wixii aan kusoo gaarnay 60kii ilaa 91dii , dad sharafleh oo mideysan.

Waxaan anagu balanqaadayna anagoo gacmaha is haysana inaan amnigii Soomaaliya lagu yaqaanay kusoo celino , oo qolada shayaadiinta ah dalka ka saarno , weliba anagoo hore ugu baaqnay inaan magangelyo siino intooda rabta inay ummada kusoo noqdaan. Waxaan balan qaadnay siyaasad mid ah isqabqabsi lahayn oo wada shaqeyn leh laga soo bilaabo madaxweynaha, Raisalwasaaraha, Baarlamaanka iyo sida aad caawa aragtaan Dowladd goboleedyada”