Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke) ayaa jawaab ka bixiyay dacwada ka taagan xuduudka Badda ee Soomaaliya.
Isagoo  ka hadlayay magaalada Garowe ayuu sheegay in heshiiskii ay saxiixeen xiligii uu Ra’iisal wasaaraha ka ahaa dowladii KMG ahayd aanu quseyn dacwadan, isla markaana warbixintii ay gudbisay xilligaasi Soomaaliya ay ku soo ceshatay dhul badneed dhan 630 kun KM.
Cumar C/rashiid ayaa sheegay in xuduudka Badda ee Kenya ay leexisay arrintiisa ay dhacday sanadkii 2005-tii markaasuu aanu isagu wax xil ah heynin. Wuxuu sheegay in marka dacwadu soo idlaato uu faahfaahin dheeraad ah bixin doono.
DHINACA SARE KA DAAWO VIDEO
Goobjooge.com