Monday, December 6, 2021

Dagaalka ka socda Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa Argagixisada TPLF & Dowlada Itoobiya (/W/Q: Mustafa Cagjar)

-

- Advertisement -

Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta oo kaliya.

Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay.

Waxaa ayaamahan baraha bulshada talooyin liita la dhex wareegaya taageerayaasha TPLF oo u badan kuwii shalay kaba-qaadka u ahaa kooxdaas markii ay xasuuqayeen shacabka deegaanka Soomaalida.

Waxa ay rajaynayeen in argagixisadu dumin doonto dawladda dhexe halkaasna ay uga soo bixi doonto fursad kaba-qaadnimo oo ay dadkooda mar kale ku dulleeyaan. Sidii iyagoo maanta xukuumada deegaanka Soomaalida taageerayaal u ah ama ku taageeri xitaa hadday qaadato go’aanada ay leeyihiin hala qaato waxay damaashaadkii ahaa TPLF baa wax jabisay ku badaleen yaan TPLF lala dagaalamin markii ay arkeen in deegaanada ka tirsan jamhuuriyada federalka dalku ay go’aansadeen inay garab istaagaan dawlada dhexe.

- Advertisement -

Waxaa kale oo iyana shacabka ku abaabulaya in aan la garab istaagin dawlada dhexe garab ka mid ah ururka ONLF oo hoosna shacabka ugu leh yaan dawlada raisal wasaare Dr. Abiy loo birman dhinaca kalana Addis Ababa la fadhiya waan taageersan nahay talaabooyinka dawladda dhexe ay ku difaacayso dalka, taas oo caddeynteeda la soo bandhigi doono.

Haddaba waxay tahay inay ogaadaan dabadhilifka TPLF iyo kuwa fursad siyaasadeed ka raadinaya colaada waqooyiga Itoobiya in buuqoodu uuna saamayn ku yeelan doonin go’aan kasta oo xukuumada deegaanka Soomaalidu kaga jawaabayso xaalada jirta.

Waynu soo marnay magaalo qayrkaa u cay noocan oo kale ah oo loogu hiilinayo kuwii shalay ina gumaadday laguna raadinayo dano siyaasadeed oo lid ku ah masiirka fog ee shacabka DDS.

Markaa, ma haboona in sheeko baraleey talo toolmoon loo ekeeysiiyay lagu dagmo.

W/Q: Mustafa Omar Cagjar
Madaxweynaha Somali State. Ethiopia

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

RW Rooble oo soo saaray Amarro ka kooban 9 Qodob oo ku saabsan Maamulka Doorashada (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble War kasoo saaray ayaa war kaso osaray go’aanka ka soo baxay Guddiga Doorashada ee Heer Federaal oo...

Kuraas lagu doortay Baydhaha oo Sharci-darro laga dhigay iyo Doorashada oo Dib loo qabanayo (Akhriso)

Guddiga Doorashada heer federaal ayaa laalay laba kursi oo lagu doortay magaalada Baydhaba, kana dhigay sharci darro, kadib baaritaan lagu sameeyay qaabkii doorashadu u...

Guddiga Khilaafaadka oo Muddo cusub ku darsaday Baaritaanka Kursiga la isku heysto ee HOP067

Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashada Dadban oo la filayay inuu go'aan kasoo saaro khilaafka ka dhashay Kursiga HOP067 ayaa muddo dheeraad ah ku darsaday, isagoo...

Nin Muqdisho ku dilay Xaaskiisa oo 12 Caruur u dhashay iyo Faahfaahin laga helay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil fool xun oo ka dhacay degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho, kadib markii Nin Bajaajle ahaa oo xaaskiisa...

XOG: Sidee loo helay Askartii dishay Walaallaha Sowda iyo Sakariye..? (Guutada ay ka tirsan yihiin)

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kaga helay sida lagu qabtay askartii ka danbeysay dilka Allaha u naxariistee walaallihii Sakariye Maxamud Xuseen iyo Sowdo Maxamud Xuseen. Falkan...

Saraakiil Kenyaan ah oo lagu dilay Werar Alshabaab ku qaaday Mandhera iyo faahfaahin laga helay

Alshabaab aya weerar qasaare dhaliyey ku qaaday degaanka Mandheera ee Waqooyi Bari, Keny, iyadoo lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya, sida ay shaaaciyeen...

Golaha Amniga oo Waqtiga u kordhiyay Howlgalka Ciidamo ay Somaliya dalbatay in lasoo afjaro

Qaraarka Mareykanka oo 3 Bilood kusoo koobay iyo Faransiiska oo ka qeyliyey xilliga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii u codeeyay in la kordhiyo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Sidee loo helay Askartii dishay Walaallaha Sowda iyo Sakariye..? (Guutada ay ka tirsan yihiin)

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kaga helay sida lagu qabtay askartii ka danbeysay dilka Allaha u naxariistee walaallihii Sakariye Maxamud Xuseen iyo Sowdo Maxamud Xuseen. Falkan...

XOG: Midowga Musharixiinta oo Qarka u saaran inay xiriirka u jaraan Rooble iyo Labada tijaabo ee..

Xiriirka u dhaxeeya Ra'iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta iyo Midowga Musharixiinta ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay, kadib qaabka loo maamulay doorashada Golaha Shacabka ee ka...

Maxaa ka jira in Prof. Jawaari uu RW Saacid ka hor istaagay inuu ka hadlo Baarlamaankii 2013? (Xaqiijin)

Maalmahan waxaa baraha bulshada si weyn ugu baahay war ku saabsan in Guddoomiyihii Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cusman (Jawaari) uu mudan yahay in...

Maxay ahaayeen Shirkadda Amniga iyo Saraakiisha Caddaanka ah ee lala beegsaday Qaraxii Is-miidaaminta?

Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in saraakiil ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya lagu beegsaday Qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho. Warka...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!