Thursday, July 31, 2025

Dagaalkii dheeraa ee Farmaajo u galay inaysan Dalka Doorasho ka dhicin (Qormo xusuus ah)

-

June, 2020, ayuu Golaha Shacabka ansixiyey muddo kororsi dadban, laakiin la huwiyey magaca doorasho qof iyo cod ah, taasoo uu gadaal ka riixayey Farmaajo, laakiin Aqalka Sare, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada mucaaradka ayaa diiday.

July 2020, waxaa furmay shirkii Dhuusamareeb 1 Dowlad goboleedyada ayaa ku heshiiyey in la qabto doorasho taladeeda loo dhan yahay kuna dhacda muddo xileedka harsan.

July 19-22 – 20, waxaa dhacay Shirkii Dhuusamareeb 2. Waxaa lagu heshiiyey in ay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsanyahay.

Shirkaas waxaa Farmaajo u caddaatay in Raysalwasaarihiisa uusan la wadin muddo kororsiga. Maalmo ka dib, ayuu 25 July xilka ka tuuray.

17 September 2020, ayuu Farmaajo oggolaaday heshiiska doorasho dadban.Nov 2020, Guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal, inta badan dowlad Goboleedyada iyo Somaliland ayaa soo la soo saaray, kuwaasoo u badnaa Nabadsugid, shaqaale rayid ah iyo taageerayaal N&N.

06 Febraayo 2021, shirkii Dhuusamareeb 4, ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday, iyadoo la isku mari waayey maamulka Gobolka Gedo oo uu Farmaajo ka fuqi waayey.

12 April 2021, ayuu halkii uu ku taamayey soo istaagay. Wuxuu samaystay muddo kordhin labo sano ah. 25 April 2021, Gadoodkii ciidanka ayaa dhacay, taasoo qasabtay in uu muddo kordhinta ka laabto.

01 May, 2021, ayuu ka laabtay muddo kororsigii. 27 May 2021, waxaa la gaaray heshiiskii Golaha Wadatshiga Qaran ee Doorashooyinka June 19 2021, Ayaa dib loo magacaabay guddiyadii doorashada.

Oktoobar 2021 waxaa bilaabtay doorasho boob ah, oo la isku hortaagan yahay. Waxaa la soo maray loolan adag oo labo sano ku dhow, oo la isku hayey in ay dalka ka dhacdo doorasho la isla oggolyahay oo waqtigeeda ku dhacdo.

Farmaajo mar walba doorasho waa diiddanaa, ilaa iyo haatanna ma ogola doorasho tartankeeda loo siman yahay, oo uusan boobi karin, ama diidi karin natiijadeeda.

W/Q: C/raxman C/shakuur Warsame
Musharax Madaxweyne

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you